Tuesday 23 August 2011

Ma Heshiiskii Xudeybiyuu u ekaa mise kan la yiri: (غَيْرُ لَاَهٍ عِدَاكَ فاطَّرِحِ اللَّهوَ وَلاَ تَغْتَرِرْ بِِعَارِضِ سِلْمِ )



غَيْرُ لَاَهٍ عِدَاكَ فاطَّرِحِ اللَّهوَ      وَلاَ تَغْتَرِرْ بِِعَارِضِ سِلْمِ

Golaha Baraarugga Islaamku wuxuu ka hadli jiray dadkii Soomaali Galbeed ee laga dhoofin jiray Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, iyo Muqdishaba! Arrinta ugu weyn ee nimankii is dhiibay iyo wadaaddadii u fatwooday ay qiil ka dhigteen waxay ahayd: dadkayagii baa Zenawi loo dhiibayaa! Marka annaguna waa inaan sidooda oo kale la heshiinno Zenawi!



Golaha Baraaruggu waxay ku doodeen inaan Somaliland iyo Puntland heshiis kula jirin Zenawi laakiin Zenawi xukumo labada meeloodba! Marka waxaan ku niri wadaaddadaas iyo nimankii is dhiibay: waxaad rabtaan inaad is dhiibtaane si bareer ah u qirta arrintaas idinkoon dadka khaldin!



Kaddib wadaaddadii baa arrintii af duubtay oo yiri: heshiiskii Xudeybiya bay arrintu u egtahay! Waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray sheekh Xasaan Xuseen, sheekh Xasan Takar, iyo Golaha Baraarugguba.  Waxaa warka wadaaddadii isdhiibay beenin kara qof kasta oo caami ah oo dhihi kara: nimanka Soomaali Galbeed waxay usi dhiibeen Zenawi ee meeyey labada garab ee heshiis u eg kii Xudeybiya wada galay? Fiiriya sawirka kore  ee Ibraahim-dheere qoorta ku wato calanka Itoobiya!




Waxaa nasiibdarro ah annagoon ku dhalan Soomaali Galbeed baa ka hadli jirinnay dadka Soomaali Galbeed ee laga dhoofiyo Somaliland, Puntland, iyo Muqdisho; ma aragteen cid ka mid ah nimankii is dhiibay ama wadaaddadii u fatwootay oo ka hadleysa saraakiisha ONLF ee lagu xasuuqayo dhulka Absamuhu dego ee Kenya naga heysato iyo Nairobi? Imisa sarkaal baa lagu dilay geyigaas? Gabyaaga Carbeed baa yiri:



غَيْرُ لَاَهٍ عِدَاكَ فاطَّرِحِ اللَّهوَ      وَلاَ تَغْتَرِرْ بِِعَارِضِ سِلْمِ




Cadowgaagu ma aha mid kaa mashquulsan ee cayaarta ka bax; hana ku dagmin heshiiska la isu bandhigayo?




Cali Sugulle iyo Waaberi waxay ballanta gaalada ka dhaheen iyagoo ka hadlaya gaalada:



Bishimaha dushoodiyo been weeye nabaduye

Baaruudda qiiqdiyo buntukh weeye duniduye





Jabhadda Soomaali Galbeed sanad ka hor waxay ku fikrad ahayd Cali Sugulle iyo gabyaagaas Carabeed! Hadda heshiis afka baarkiisa ah baa lagu khalday. Waxay Waaberi dhaheen sidoo kale:



Nin abeeso koriyoow adigaa u aayine
Axdi ma laha Xabashidu lagu aaminaaye!





Xabashidii lahayd heshiis baan la galnnay Soomaali Galbeed baa wiilashii ONLF ee Absame  ku leyneysa Gaarisa iyo Ifo? Markaasaan cidna ka hadleyn!



Haddii heshiis jiro; wuxuu keeni lahaa inaan Zenawi shirqool ku dili karin qof jooga Soomaali Galbeed oonba dagaal ku jirin; iska daa inuu dilo niman Gaarisa, Ifo, iyo Nairobi joogee!



Waxaan ku soo xireynnaa yeysan wadaaddo ganacsato ah dhiiggiinna ka gadan Zenawi.





Golaha Baraarugga Islaamka


Somalimemo.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...