Tuesday 23 August 2011

Goos Goos iyo Faalooyin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyey dalka LIIBIYA. (DAAWO + DHAGEYSO).


Waa maalin uga duwan reer Liibiya iyo dhammaan Muslimiintaba Maalmaha kale, waa maalintii uu dhacay Sanamkii Qaddaafi ahaa, waa tobankii casho ee ugu dambaysay Ramadaan, waa maalin Talaado ah Taariikhuduna ay tahay 23-dii Bishii Ramadaan 1432H.
Waa Maalin Farxad u ah Shacabka Soomaaliyeed maadaama kursigii laga tuuray Daaqigii weynee ee Al Qaddaafi oo ciidamada AMISOM ee shacabkeena BM-ka u qaybinaya siinl jiray lacag aad u badan oo lagu qiyaashay 15% kharashaadkooda.

Kacdoonka Liibiya oo ay Hogaaminayaan Mujaahidiinta caanka ka ah dalka Liibiya ayaa gudaha u galay goobta lagu magacaabo Baabul Caziizayah, waa hoyga Al Qaddaafi, inta badan dhalinyarada kacdoonka wada waxa ay dhasheen mudadii uu Qaddaafi talada dalka hayey, sida ay sheegeen waligood gudaha uma galin Baabul Caziiziyah, in ay galaan iska dhaafee xattaa niyadooda kuma aysan soo dhicin in ay maalin uun gali doonaan.

Jawigu waa cakiran yahay , Qaddaafi waa cararay, uma aabo yeelin askartii difaacaysay ee nafta u huraysay, meel uu jaan iyo cirib dhigay lama yaqaano, Baabul Caziiziyah caawa kuma jirto gacantiisa, Afartan iyo Laba sano waa habeenkii ugu horaysay ee uu si khasab ah ku seexanayo meel ka baxsan Gurigiisii Baabul Caziiziyah ahaa.

Waxaa ku dhaboobay Qawlkii ALLAAH ee ahaa :

قُلِ اللَّـهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَن تَشَاءُ وَتَنزِعُ الْمُلْكَ مِمَّن تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَن تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَاءُ ۖ بِيَدِكَ الْخَيْرُ‌ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ


Kacdoon wadayaasha oo uu hogaaminayo Mas’uulka Kacdoonka ee Taraabulis Sh Abii Cabdillaahi Al Saadiq (Cabdil Xakiim Al Khuweylidi Bil xaaji) ayaa gudaha u galay Baabul Caziiziyah.


Waa Kuma Sh Abii Cabdillaahi Al Saadiq (Cabdil Xakiim Al Khuweylidi Bil xaaji)?


Magaciisu waa Sh Abii Cabdillaahi Al Saadiq (Cabdil Xakiim Al Khuweylidi Bil xaaji). Waa Amiirkii hore ee Al Jamaacah Al islaamiyah Al Liibiyah Al Muqaatilah.

Jamaacadan oo ahayd Jamaaco Islaami ah oo Jihaad kala soo horjeeday Daaqiga Macammar Al Qaddaafi xubnaheedii intii badnaa waxa ay ku biirteen Mujaahidiinta Al Qaacidah, Xubnaha ugu firfircoonaa ee Jamaacadan waxaa ka mid ahaa Shiikh AL Shahiid Bi’idnillaah Abu Leyth Al Liibi sidoo kale waxaa ka mid ahaa Caalimka weyn ee Mujaahidika ah Sh Abu Yaxya Al Liibi.

Sirdoonka Maamulkii dhacay ee Al Qaddaafi ayaa xabsiga dhigay tiro badan oo ka mdi ahaa Mujaahidiinta Jamaacadan oo uu ka mid ahaa Sh Abii Cabdillaahi Al Saadiq sanadku markii uu ahaa 2004-tii. Xiligaas ka dib ayey qaar ka mid ah culimada ka fariisatay Jihaadka oo uu hogaaminayo Dr Cali Al Sallaabi waxa ay bilaabeen wax loogu yeeray Dood iyo Xiwaar ay la galaan dhalinyarada Mujaahidiinta ah ee ku xirnaa Xabsiga AL Qaddaafi.

Mashruucan lagu sheegay Xiwaarka iyo Muraajacaatka waxaa isku doo dubariday maal galinteedana lahaa wiilka Al Qaddaafi ee Sayful islaam iyo Mu’asasadiida Al Qaddaafi.




Dr Cali Al Salaabi oo maalmihii ugu dambaysay inta uu socday Kacdoonka reer Liibiya ka soo muuqanayey shaashadda Al Jazeera ayaa kacdoonka ka hor waxa uu ahaa gacanta birta ah ee uu adeegsanayey Sayful Islaam.

Dr Al Sallaabi oo adeegsanaya warbaahinta Dagaalka kula Jirta Mujaahidiinta ayna ugu horayso warbaahinta Liibiya iyo Jaraa’id badan oo ka soo baxa magaalada London oo ay ka mid ahaayeen Jariidada Al Hayat iyo Sharqul Awsat ayaa tabiyey in Mujaahidiin badan oo uu ka mid yahay Sh Cabdul Xakiim Bil Xaaji ay ka noqdeen Manhajkoodii Jihaadiga ahaa.

Su’aasha adag ee hortaala Dr Al Sallaabi ayaa ah, waxa Jihaad ka dhigay midka lagula Jiro Al Qaddaafi Jihaadna ka dhigi waayey Midka lagula jiro ciidamada NATO ee sugan dalka Afganistan iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Dr Sallaabi waxaan weydiinayaa aaway Taraajucii iyo ka noqoshadii Manhajka ee uu sameeyey Sh Cabdul Xakiim Bil Xaaji? Aaway Sayful Islaamkii aad ka hoos shaqaynaysay markii aad xabsiyada kusoo booqanaysay Mujaahidiinta adiga oo gurigaaga iyo xaasaskaaga iyo ilmahaaga kasoo ag toosay shaqada aad u soo kalahdayna ay tahay sidii aad wiilal yar yar oo loo xiray ALLAAH diintiisa aad u marin habaabin lahayd?.

Ugu dambayntii Sh Cabdil Xakiim Bil Xaaji iyo tiro badan oo ka mid ah Mujaahidiinta ayaa oodda laga qaaday Bishii Maarso ee sanadkii tagay 2010-kii.

Sh Cabdul Xakiim Bil Xaaji iyo ragga la socda ee howshaan la wada ayaan ALLAAH uga baryeynaa in uu Dariiqa toosan ku sugo.

Maadaama Laga taqalusay Sanamkii Qaddaafi ahaa hadda indhuhu waxay ku sii jeedaan Shaydaanka Calawiga Nusayriga ah ee Bashaar Al Asad ee Sahacbka Muslimka ah ee Sunniga ah ee reer Suuriya ula dhaqmaya sida aad Sawirka hoose ka aragtaan.



Sh Xaamild Al Cali oo Qasiido ku amaanay Sh Abii Cabdillaahi Al Saadiq kuna cabiraya Dareenkiisa ku aadan Dhicitaankii Daaqigii weynaa ee Al Qaddaafi ka dhagayso Hoos.




الله أكبرُ كبّـِروُا للبـاري
ومصِّـرفِ الأحْوالِ والأقْدارِ
الله أكبرُ كمْ لهُ منْ آيــةٍ
في خلقِهِ وعجائبِ الأسْـرارِ
كمْ بالحوادثِ من بديعِ دروُسِهِ
كالواعظاتِ على لسانِ القاري

صارَ الخبيثُ المستبيحُ لِلِيبِيـَا
عِبـَراً بسمعِ النَّاسِ والأبْصَارِ
حلَّ الدمارُ به فصارَ نظامـُهَ
كالميـِّت المذبــوُحِ بالبتَّارِ
عزمَ الوثوبَ له بضرْبةٍ صارمٍ
سيفُ العروبةِ من سيوفِ نِزارِ


بلحاجُ بالأبطالِ آسادِ الوَغَى
أهلِ الجهادِ عصائِبِ المخْتارِ
أعَدَوْا على رأس الخبيثِ بسيفهِم؟!
ليثٌ على حلْقِ الفريسةِ ضاري
بوركتَ بلحاجُ الفخَارُ ، وجيشُهُ
أوْفى بوعْدٍ منــُه بالإصرارِ
خذْ تاجَ إنجازِ الجهادِ مُبجَّلاً
معَ قبْلةٍ من أمَّـة الأبرارِ
يادرَّةَ العُرْبِ التي في تاجِهِـم
شعَّتْ لها نورٌ على الأقطارِ

والنصرُ بُشْرى من شعاشِعِ نورِها
متـلألأً كمنـازلِ الأقمارِ

وكواكبُ الجوزاءِ حطَّت دونهَا
في هيـئةٍ بتواضعٍ كجَواري
فلأنْتَ والأمجـادُ شيءٌ واحدٌ
لافرقَ بين معانيَ الإكبـارِ
والله قلنـا حالفين بربـِّنا :
قسماً بذاتِ الواحد القهِّار
لايخـذلُ اللهُ العظيـمُ جهادَكمْ
فالله منتقـم ٌمـن الأشْـرارِ

ياكائـداً أحفادَ مختارِ الهُدى
يرتدُّ كيدُك بالدَّمـارِ حذارِ
فالله يسْحقُ من يكيدُ بلييِبَـا
وهو الوكيلُ وحسبُنا من جـارِ

الشيخ حامد بن عبدالله العلي

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...