Wednesday 10 August 2011

Maamulka Puntland oo soo bandhigay Saraakiil iyo Mas'uuliyiin Maxaabiis ahaan uga qabteen Somaliland+Sawirro

Maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ku soo bandhigay maxaabiis isugu jiray Saraakiil iyo Ciidan ka tirsanaa Maamulka Somaliland, kadib markii weerar ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen, oo mareysay inta u dhaxeysa Taleex iyo Laascaanood ee Gobolka Sool.

Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Col. Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa sheegay in howl gal ay sameeyeen Ciidankooda ay saaka aroortii ku soo qabteen 19-maxbuus oo isugu jira saraakiil iyo Ciidamo, waxaana uu tilmaamay in shan ka mid ah ay dhaawac yihiin, waxaana lala soo bandhigay Gaadiid ay wateen oo lahaa Sumada Somaliland.

Mar wax laga weydiiyay hadii howl galkan qasaare ka soo gaaray ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda aanu wax ka soo gaarin, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool ee Somaliland uu weerarkaas ku dhintay.

Weerarkan ayaa Ciidamada Puntland ay jidka ugu galeen ilaa shan gaadiid oo ay ku socdeen Xildhibaan ka tirsan Somaliland, Saraakiil Ciidan iyo Ciidamo, waxaana Xildhibaanka uu ka badbaaday weerarkaas.

Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf ayaa ku eedeeyay Puntland in weerarkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tirsan Madaxtooyada Garowe, waxaana uu sheegay in weerarka lagu qaaday xilli Kolonyo la socdeen.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Somaliland ay deegaanadooda ku soo duuleen, isla markaana dagaal uu dhex maray.

Arrintan ayaa waxay keeneysaa xiisad hor leh oo labada dhinac ka sii dhex qaraxda, xilli horay ugu dagaalameen Gobolka Sool, deegaano ka tirsan oo ay Labada Maamul kala sheeganayaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka Somaliland iyo Puntland oo ku aadan falkii maanta ka dhacay deegaanka Taleex.






No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...