Saturday, 6 August 2011

Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG oo ka hadlay ka bixitaanka Al-Shabaab ee Muqdisho+Sawiro

Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ayaa ka hadlay ka bixitaanka Al-Shabaab ee Magaalada Muqdisho, kadib shir aan caadi aheyn oo Gudiga Amniga qaranka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir gudoominayay Madaxweyne Shariif.

Shirkan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo labaduba sheegay inay ku faraxsan yihiin in Magaalada Muqdisho maanta ay xor noqoto.

"Farxad weyn ayay inoo tahay iyo guushii miraheeda in maanta la soo taabto, waxaa aragnaa in dhiigii faraha badnaa iyo dadaalkii loo soo maray halgankan, waxaa u mahad celineynaa Alle"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wadanku leeyahay labo cadow, mid waa Al-Shabaab midna waa kuwa gaysanaya falalka amnidarada ah, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay si wada jir ah ula dagaalami doonto labadaas kooxood.

"Xaqiiqda waxay tahay dalkan labo cadaw ayuu leeyahay dowladnimada iyo qaranimada kuwa diidan mid waa Alshabaab iyo Al-Qaacida iyo kuwa amni darada ee dhaca iyo bililaqada geysanaya, shirkii aan caadiga aheyn ayaa looga hadlay, sidii loola diririay, si la mid ah in loola diriro cid kasta amniga la dagaaleyso"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo intaa raaciyay inay diyaariyeen Ciidamo si gaar ah uga howl gala, isagoo sheegay in cidii falal dhac geysta ay xataa dil ku muteysan doonto.

Madaxweyne Shariif ayaa uga digay shacabka Soomaaliyed inay ku deg degaan goobaha laga saaray Al-Shabaab, halkaasoo uu sheegay inay ka geysan karaan is qarxin iyo in miinooyin ku aasaan, waxaana uu cadeeyay in Ciidamo qubaro miino baarayala ah ay u direen, si looga hortago falalka ay geysan rabaan.

"Maadaama dhul baaxad weyn uu gacanta Dowladda soo galay, waxaa waajib ah in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay Amniga sugto, Ciidamada Dowladda lama aqbali doono inay geystaan dhac iyo bililaqo, waxaan u sheegeynaa in askartii falkaas lagu arko waxay ciqaab la kulmeysa in la dilo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdadii ka dhacday shalay Xerada Badbaado, in la boobo raashin dad masaakiin loo waday iyo dad ay laayaan, waxaana uu tilmaamay in kuwoo ka dambeeyay aanay Soomaali aheyn.

Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in guusha aanay wali dhameystirmin, hase ahaatee waxaa uu xusay in laga daba tagi doono Al-Shabaab, lagana saari doono dalka oo dhan, waxaana uu tilmaamay inay ku raad-joogaan Saraakiisha Al-Shabaab.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in farxad weyn ay tahay, isla markaana Magaalada Muqdisho oo dhan ay ka xoreeyeen Al-Shabaab.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay faarujiyeen deegaano badan oo Muqdisho ku yaal.



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...