Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa degan iyadoo boqolala ruux ay ku sii qul qulayaan xaafadaha ay faarujiyeen Shabaab xalay habeen barkii si ay u soo eegaan guryahooda, inkastoo barqadii Iska hor imaad Ciidamada Dowladda iyo Kooxo ka tirsanaa Shabaab uu ku dhex maray Isgoyska Sanca
Magaalada Muqdisho ayaa hadal heynta ugu ballaaran ay tahay ka bixitaanka Shabaab dhulkii baaxada lahaa ee ay kaga sugnaayeen Magaalada, iyadoo dadka ay wali raxan raxan u socdaan, kuwaasoo u lugeynaya deegaanada ay ka baxeen Shabaab.
Raadiyaasha Muqdisho ayaa si aad ah u tabinaya is bedelada ka dhacay Caasimada Muqdisho, iyadoo Wariyeyaal gaaray goobaha ay faarujiyeen Shabaab ay ku soo arkeen bur bur lixaad leh oo ku yimid goobihii la deganaa, dhir badan ay dhex ceegaagtay xaafada.
Iska hor imaadka ka dhacay Isgoyska Sanca ayaa la sheegay inuu si lama filaan ku yimid, kadib markii Ciidamada Dowladda oo isku dayayay inay gaaraan goobihii Shabaabka baneeyeen ay dhexda uga soo baxeen Ragg Hubeysan, waxaana ku dhintay hal askari.
Sidoo kale meelaha Shabaabka ka baxeen ayaa wali aysan wada gaarin Ciidamada Dowladda, hase ahaate waxay Ciidamada si kaamil ah u joogaan Suuqa Bakaaraha, halkaas oo Ciidamo gaar ah oo uu hogaaminayo Jen. Yuusuf Indhacade si KMG ah loogu dhiibay ammaanka.
Ciidamada Dowladda ayaa gaaray degmooyinka Shibis, Kaaraan, Saldhiga degmada Kaaraan, Xaafada Suuq Bacaad, xarunta degmada Yaaqshiid qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha iyo Sodonka oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugnaayeen.
Waxay Ciidamada si rasmi u galeen Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo tdoobaadkii hore ay dagaal ba'an u galeen sidii ay ula wareegi lahaayeen.
Shabaab ayaa deegaanada ay si buuxda uga baxeen ka mid ah Huriwaa, Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis, C/casiis, Howlwadaag iyo Dayniile
Xaalada oo wali ah mid dadka ay il gaar ah ku eegayaan ayaa hadana waxaa dadka wajiyadooda ka muuqda farxad, maadaama guryahooda oo ay ka maqnaayeen muddo labo sano ay soo arkeen, waxaana xaalada maanta Muqdisho ka jirta la mid tahay sidii markii Ciidamadii Itoobiyaanka ay baneeyeen Muqdisho 13-kii Janaayo 2009-kii .
Saldhiga Degmada Kaaraan ayaa waxaa laga sii daayay ilaa toban ruux oo uu ku jiray wiil dhalinyaro Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu geystay falal xatooyo ah, isla markaana uu ku xukunaa gacan iyo lug is-dhaaf in laga gooyo, wiilkaas dhalinyarada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu maalinta berri laga goyn lahaa, hase ahaatee uu Alle ka badbaadiyay.
Ciidamada Dowladda ayaa ah kuwo si tartiib tartiib meelaha Shabaabka ay ka baxeen u gaaraya, hase ahaatee shacabka ayaa ah kuwo laba laab haatan ka badan Ciidamada oo xaafadahooda soo eegaya, iyadoo dadka ay ku sheegayaan inay ku faraxsan yihiin inay soo booqdaan gurigooda.
Inkastoo Al-Shabaab ay sheegeen in xeelad dagaal uga baxeen Muqdisho, hadana dadka waxay wali maanka ku hayaan Ciidamadii faraha badnaa ee Shabaab oo wali sidooda ah, isla markaana aan wax dagaal ah looga adkaan, waxaana ay tilmaameen in xaalada aanay aheyn mid lagu deg degi karo.
Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa shacabka ugu baaqaya in aysan u deg degin goobaha Shabaabka laga saaray, balse dadka dheg jalaq uma siinayaan hadaladaas, waxay iyadoo marxabeysan oo aad u qiireysan ay ku qul qulayaan goobaha ay faarujiyeen Shabaab.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment