Friday 3 June 2016

AKhriso Heshiisyo Ay Kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga+Sawirro


 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka qeybgaley munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho oo ay labada dalka ku kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo iskaashi.
Heshiisyada ay labada dal kala saxiixdeen oo gaaraya sagaal ayaa waxaa ka mid ah:
-Iskaashi dhexmaraya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu (AA).
– Heshiis la xiriira canshuuraha.
– Heshiis dhinaca caafimaadka xoolaha
– Heshiis dhinaca kobcinta iyo xaq-dhowrka maalgashiga.
– Heshiis dhinaca tababarka booliska.
– Heshiis dhinaca waxbarashada.
-Heshiis dhinaca tababarka iyo iskaashiga caafimaadka milatariga.
– Heshiis dhinaca tamarta iyo macdanta.
– Heshiis dhinaca shaqada, shaqaaleynta iyo tayeynta xirfadaha.
Heshiisyadan waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf.
Dhinaca Turkiga waxaa heshiisyadan qalinka ku duugay Wasiirka Dhaqaalaha, Nihat Zeybekci, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mevlüt Çavuşoğlu iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andolu, Senol Kazanci.
—————-DHAMMAAD—————–CN7D4896
CN7D4894
CN7D4891
CN7D4888
CN7D4870
SONNA NEWS

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...