Friday 3 June 2016

Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Hogaamiyeyaasha Madasha Qaran+Sawirro


 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-Madasha Hoggamiyeyaasha Qaran ee Soomaaliya ayaa Caawa Soo Saaray War-Murtiyeed ka kooban 14 Qodob.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’ud Awey oo la hadlay wakaaladda Wararka Soomaaliya ayaa sheegay in Maqaamka Caasimadda loo saaray guddi ka kooban Heer Fadaraal iyo Heer Gobal, iyagoo lasiiyay in 60 cisho ay ku soo go’aamiyaan Maqaamka Caasimadda.
Sido kale Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in 20 Ilkaa 23 bishan aynu ku jirno ee Juun, Shir ay magaalada Beydhabo isugu yimaadaan Madaxda hoggamiyeyaasha Madasha Qaran.
Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran ayaa sidoo kale Soo Dhaweeyay Go’aankii M.weynaha Ee Doorashada 2016,iyagoo sidoo kale isku raacay in aan wax muddo korarsi ah jiri doonin, doorashaduna ay qabsoomeyso Xilligii loogu talagay.
Madasha ayaa soo dhaweeyay Qorshe Siyaasadeedka Amniga Qaranka, kaas oo ay horay u ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyagoo sidoo kale tacsi u diray Ehelada Dadkii ku dhintay Weerarkii Hotel Ambassador.
Sidoo kale waxa ay taageereen in haweenku ay helaan Qoondadii ay Haweenku ku yeelan lahaayeen Kuraasta Goleyaasha Dowladda.
 IMG_3909IMG_3910IMG_3911IMG_3913IMG_3915IMG_4009IMG_4010IMG_4011
Faah faahin Dhameystiran Goor dhaw ka Filo: WWW.SONNA.SO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...