Tuesday 21 June 2016

DEGDEG: Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan Iyo Ciidamo uu wato oo gaaray Kalabayr


gallanBoosaaso(RBC Radio) Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo wata ciidamo badan ayaa gaaray xalay tuulada kalabayr oo 45km oo keliya u jirta magaalada Boosaaso.
Ciidamadan uu wato Cabdisamad Gallan ayaa ku hubeysan gawaari badan oo gaashaaman,waaraado,wiish iyo gaari gargaarga degdega ah ee Ambalaasta,waxayna Kalabayr ka degeen dhanka koonfureed ee Buurta xigta Laamiga.
Dowladda Puntland ayaa markii ay ka warheshay dhaqdhaqaaqa ciidan ee u wado Cabdisamad Gallan u dirtay ciidamo tira badan ,waxayna ku kaliftay Gallan in dib ugu noqdaan meel u dhow degmada Carmo.
Cabdisamad Gallan ayaa muddo bilo ah ciidamo ku uruursanayey deegaanka Beeshiisu degto ee Bariga fog ,wuxuuna ku dhawaaqay in Puntland dagaal uu la gelaayo.
gallan_zuuMuddooyinkii ugu danbeeyey,waxaa socday waan-waan lagu wadahadalsiinayey maamulka Puntland iyo Cabdisamad Gallan taasoo uu qeyb ka ahaa Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi.
Warar ay heshay Raxanreeb Online ayaa sheegaya in wadahadal heshiis ah lagu dhameeyey in Cabdisamad Gallan uu soo galo magaalada Boosaaso isagoon wax ciidan ah wadan.
Maamulka Puntland ayaa ka dhawaajiyey in Cabdisamad Gallan iyo ciidamadiisu iney soo gaaraan tuulada Kalabayr ka dhigan tahay iney dagaal doonayaan.
Wararkii ugu danbeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in malayshiyaadka Al-Shabaab ee buurleyda Galagala iyo kuwa Daacish ay wadaan abaabul dagaal oo ay kaga faa’ideysanayaan isku dhaca labada dhinac.
Faahfaahinta kala soco Raxanreeb Online
_________
RBC Radio
Boosaaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...