Tuesday 21 June 2016

Ciidamada XDS Oo 7 Al-Shabaab Ah Ku Dilay Galgaduud


 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-Ciidamo ka tirsan xooga dalka ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka massagawaay ee Gobalka Galgaduud, Sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay Taliyaha Ciidamada Xoogga ee Bariga Galguduud Col Axmed Tareedisho.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 7 maleeshiyo ah halka sideed kalana lagu dhaawacay howlgalkaasi.
“Saldhig ay al-shabaab lahaayeen oo ku yaalla Deegaanka Masago-waay ee ayaan weerarnay, Saldhigga waan burburinay, waxaan halkaas ku dilnay 7 katirsan kooxda alshabaab 8 kalana waan ka dhaawacnay hubkoodiina waan soo furanay” ayuu Yiri Col Tareedisho.
Sidoo kale taliyaha ayaa intaa ku daray in uu halkaas si dirqi ah uga baxsaday Horjoogihii maleeshiyadaas oo lagu naaneyso Adkaar, kaas oo masuul ka ahaa dilalka Dad shacab ah oo dhawan ay laayeen Kooxda Al-shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...