Tuesday 21 June 2016

Taliyihii NISA Ee Gobalka Shabeellaha Dhex Oo Caawa La Dilay


 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-Alle ha unaxariistee C.wali Ibraahim Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka Nabad Sugidda Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa Caawa mid kamid ah ilaaladiisa uu ku toogtay carunta hay’adda NISA ee magaalada Jowhar.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdi Kaamil Macali Xirsi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in dilka C.wali Ibraahim uu ka dambeeyay mid kamid ah Illaadiisa, kaas oo baxsaday dilka kadib.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Xabisga loo Taxaabay Ilaaladii Taliyaha, Baarisna lagu hayo sida uu falka u dhacay iyo sababta uu u baxsaday ninkii dilka geystay.
Dilka ayaa dhacay iyadoo lagu gudo jiro waqtigii Afurka, waxaana Magaalada Jowhar iyo deegaanada ku dhaw dhaw ka socda baaritaano lagu goobayo kooxihii dilka ka dambeeyay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...