Wednesday 1 June 2016

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Muqdisho (Sawirro)


Weerarka ayaa ku billowday gaari lugu qarxiyay darbiga hoteelka
Weerarka ayaa ku billowday gaari lugu qarxiyay darbiga hoteelka
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerar ku dhawaad saddex saac ka socda hoteel Ambasador ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha u galeen dagaal-yahanno ka tirsan ururka al-Shabaab.
Weerarka oo dhacay abaarihii 5-tii iyo 40 daqiiqo waqtiga Afrikada bari, ayaa la sheegay in ku billowday qarax gaari ,kaddib ay rag hubeysan ay gudaha hotelka u galeen iyadoo weli uu halkaasi ka socdo dagaal.
Toban ruux, ayaa la sheegay inay ku dhinteen iyadoo dhaawacuna ahaa 40 sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo shaqaalaha caafimaadka.
Wasiirka Amniga gudaha,Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa goor dhow soo dhigay bartiisa Twitter-ka in la soo bad baadiyay xildhibaano iyomMas’uuliyiin degenaa hotelka, kuwaasoo magacyadooda dib ka soo sheegi doonaan.
Al-Shabaab ayaa weerarro k afulisa hoteelada Muqdisho
Al-Shabaab ayaa weerarro ka fulisa hoteelada Muqdisho
Sidoo kale,wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska,Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo si toos ah uga hadlayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay xukuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi argagixiso, isla markaana ay aad uga xun yihiin ficilladaasi cadowga ay shacbiga ku dhibaateynayaan,sida uu sheegay.
“Waxaan u hambalyeynayaan ciidammada amniga qaranka ee diyaarka ku ahaa agagaarka weerarku uu ka dhacay, una gurmaday hotelka weerarka lagu qaaday, ciidanka ayaa weli wada dedaal xooggan, si ay u badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay argagixisadu dhibaateynayaan,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.
“Waad la socotaan maanta horjoogihii al-Shabaab u qaabilsanaa kooxaha dilalka, ayaa ku dhintay duqeyn iyo howlgal ay si wadajir ah u faliyeen ciidammada Xoogga iyo kuwa Mareykanka, jab xoog leh ayaa gaaray nabad-diidka, lama joojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan argagixisada,” ayuu intaa raaciyey wasiirka Warfaafinta.
Howlgalka xilligan ka socda hoteelka Ambasador ee magaalada Muqdisho,waxaa wada-jir uga qayb-qaadanaya ciidamada mabad-sugidda,kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan, Gor-gor iyo Waran.
Dableyda weerartay ayaa lagu sheegay tiradooda saddex ruux oo hubeysan, waxaana mid ka mid ah la toogtay inta aanu gudaha hotelka soo gelin.
Afhayeenka al-Shabaab Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin weerarka, ayna dagaal-yahannadooda howl-gal ka wadaan gudaha hotelka.
Ammaanka Muqdisho ayaa hagaagsana,maalmihii dambe kaddib howlgallo ay ciidamadu si joogta ah u fulinayaan,waxaa kalo la sugaya inuu Muqdisho soo gaaro maalinta Jimcaha madaxweynaha Turkiga.
3215
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...