Thursday 2 June 2016

Erdogan: in Midowga yurub ay jaraan kharashka AIMSOM ma fiicna


 
0
SHARE 
Kambala(SONNA)—Madaxwaynaha Dalka Turkiga Mudane Recep tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay kahalad tahay in Midowga Yurub ay jaraan qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Recep Tayyip Erdogan  ayaa sidaasi ka sheegay arbacadii mar uu booqday Uganda,iyadoo sidoo kal Dowladda Uganda ayaa sheegtay in bishii la soo dhaafay ay ka fikireysay sidii lagu sii wadi lahaa howlgalka Soomaaliya maadaama 20% midowga Yurub uu ka jaray dhaqaalaha AMISOM.
Midowga Yurub ayaa  $200 million  ku bixin jirey sanad kasta howlgalka AMISOM ee Soomaaliyaa, kaasi oo keentay in la wiiqo awooda kooxda Al-shabaab, isla markaana Dowladda Soomaaliya ay sameyso horumar ballaaran.
Booqashada Madaxweyne Erdogan ee Uganda ayaa muhiimaddeedu tahay in labada Dal ay yeeshan xiriir ganacsi iyo mid dalxiis, iyadoo sidoo kale booqashadiisa Dalalka Afrika uu abuuri doono fursado kale sida dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu booqan doono.
Arbacadii,  ayay saraakiil Ugandhees ahi  sheegeen in Madaxweyne Erdogan iyo dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni  ay yeesheen kulan, iyagoo wada saxiixday heshiis iskaashi oo ay ka mid tahay dalxiiska, difaac, socdaalka iyo waxbarashada.
Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in Uganda uu  $600 million ku maalgelin doono warshadaha soo saara dalagayada beeraha iyo  tamarta.
Madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah u gudbi doona Dalka kale ee deriska la ah Uganda ee Kenya, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...