Tuesday 21 June 2016

Magaalada Athens oo hal Masjid ku Oolin.

 

 
0
SHARE 

Athenes(SONNA)- Iyadoo Bisha barakeysan ee Ramadaanka lagu jiro, ayaa la  sheegayaa in Jaaliyadda Muslimiinta ku nool mgaalada Athens ee dalka Girigga  haysanin Masjid rasmi ah,oo  ay  waajibadka farliga ee Salaadda Ebe ku gutaan,balse ay ku duktaan goobo gaar ah.
Sida ay qortay Wakaalada Wararka Islaamka Iina, Magaalada  Athens ayaa noqotay  mgaalada keliya ee Caasimadaha  Yurub, xitaa hal Majid laheyn, tasina waa mida dhalisay in dhaleeceyn Caalami ah loo jeediyo Dowlada Girigga.
Sanadkan 2016, ayaa Dowlada Girigga, ansixisay Qaanuun samaxaya  dhismo Masjid oo lagu maalgelinayo  hanti caam ah. Laakiin Degaan xadka dhinaca  waqooyiga dalkaasi kala wadaaga Turkiga  oo ay u badan yihiin Muslimiin  ayaa la sheegay inay ku yaalan 300 Masajid.
Ka hor intii dalka Girigga, xurnimada ka qaadanin xukunkii Cusmaaniyiinta sanadkii 1832, waxaa magaalada Athens ee caasimada dalkasi Grigga ku yaalay boqolaal Masaajid, laakin waxaa loo bedelay Xarumo dowladeed iyo Matxaf iyodoo qaar ka mid ah Maasaajidyadaasi ay burbureen.
Dalka Grigga ayaa waxaa xilligan ay buux dhaafiyeen Qaxooti fara badan oo Muslimiin ah oo uga imanaya wadamada Suuriya, Ciraaq iyo Afganistaan, waxaana ay u baahan yihiin meel ay cibaadada Alle ku gutaan.
Diyaariye-Mukhtaar

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...