Tuesday 21 June 2016

Tababare Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Spain


 
0
SHARE 
Madrid-(SONNA)-Ciidanka Booliska dalka Dalka Spain ayaa xabsiga dhigay tababare Jaamac Aadan Karaaciin oo Leylinayay koox gabdho ah oo isu diyaarinaysa orodka 1500 Mitir ee cayaaraha fudud.
Booliska ayaa xoog ku galay Hoteel ay deggenaayeen tababarahan, orod yahanno uu laylinayay,tababare kale oo u dhashay dalka Maroco iyo Gabadha haysata koobka caalamiga ah ee orodka 1500-mitir ee lagu magacaabo Genzebe Dibaba, taasoo kasoo jeedda dalka Itoobiya.
Booliska ayaa talaabadan qaaday, markii qolka uu ka deggenaa hoteelka Sabadell  ee magaalada Madrid Jaamac Karaaciin laga helay nooc ka mid ah daroogooyinka kordhiya awoodda jirka ciyaartoyda ee EPO.
Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunkuna wuxuu sheegay in kooxda uu tababaray Karaaciin jirkooda laga baaray daroogada looga shakiyay,welina lagama soo saarin wax war ah oo arrintaasi ku aaddan.
SONNA/News

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...