Thursday 2 June 2016

Wasaaradda Awqaafta oo soo saartay saacadaha Afurka ee Ramadaanka +Sawiro


 
0
SHARE 
(SONNA)–Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi ayaa sheegay in maadaama ay fooda nagu soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan, loo baahan yahay in Ummada Somaliyeed ee Musliminta ah ay u diyaargaroobaan bishaasi khayrka badan, wuxuuna xusay in shaacinta mar uu bilaabanayo soonku ay leedahay Wasaaradda oo kaliya.
Wasiirka oo la hadlayay Wariye ka tirsan Wakaalada Wararka Somaliyeed ee SONNA ayaa intaasi ku daray in doorka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay tahay inay baahiso rukunada Diiniga ah sida Ramadaanka xilliga la soomayo iyo xilliga la afurayo iyo waliba waqtiyada ama saacadaha la afurayo.
Wasiirku waxa uu uga digay Dadka caadaysatay inay khilaafaan waqtiyada oo ka hormara ama ka  dambeeya inay ka waantoobaan, isagoo xusay in kuwaasi ay khilaafayaan amarada Wasaaradda, wuxuua ka codsaday shacabka Somaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaradda iyo Culumada ku howlan arrintaasi, wxuuna tilmaamay inay soo saareen saacadaha la afurayo ee ku aadan Gobolada Dalka.
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna ka hadlay arrintaasi waxa uuna ku dheeraaday in Wasaaradda Warfaafinta ay tahay hanuunin iyo wacyigalin, islamrkaana waxa uu tilmaamay in muddada uu socdo ramadaanku ay sii dayn doonaan barnaamijyo Diini ah ku aadan Bisha barakaysan ee Ramadaan.
waa kan saacadaha afurka Qaar ka mid ah Gobolada Dalka
ramadaan
rr2r
IMG_3919
IMG_3929
IMG_3961
IMG_3970
IMG_3974
IMG_3983

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...