Thursday 23 June 2016

Wasiirka warfaafinta Puntland oo sheegay xabad iyo dil,waxan ahayn inaysan wariyayaasha u heyn (Dhagayso)


Wasiir Soocadde
Wasiir Soocadde

Minneapolis (RBC Radio) Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland,Maxamuud Xassan Soocadde ayaa markii ugu horreysay dil ugu han-jabay wariyayaasha,isagoo marka dhaar ku maray,waxii hadda ka dambeya inaysan u heyn waxan habad iyo dil ahayn.
Soocadde oo ay caro ka muuqatay ayaa sheegay,iyagoo ka talaabaya sharciga inay gacan ula tagayaan wariyayaasha,Waxuuna marka caddeeyay dowladda inay xabad heysato,wariyihii dowladda afka la soo galana  indha xabad looga soo saarayo.
“Walaahi iyo bilaahi,waan soomanahay,urur baad sheegaysa inan sharci fulineyn,xabad iyo dil waxaan ahayn inan wariyayaasha u hayn,”ayuu yiri wasiir Soocadde oo inta ku darey ” Walaahi haddii gaal-yimaado oo ad moodeysan inay idin difaacayaan,lugihiina iyo gacmaha ha ku waayina,walaahi jafo waxaan ahayn inan idin la dhaceyn,”.
Wasiirka waxaa kalo uu caddeeyay inay sharci darro iyo xoog ku wadayaan wariyayaasha,isagoo marka sheegay inay wariyayaashu dhaafen sharciga.
“Sharci darro iyo xoog baan idin ku wadeyna,idinka xishoon waayay,”ayuu ku darey hadalkiisa wasiir Soocadde.
Dowladda ayaa ka soo horjeeda sida la fahansan-yahay hadallo ay warbaahinta ka baahisay,guddoomiyihii hore ee gobolka Bari,Cabdisamad Galan oo ka soo horjeeda dowladda oo u sheegay dagaal inuu la-galayo.
Waxaa kalo hadalkan han-jaabaadda u muuqda,uu jeedinaya wasiirka maalin kaddib markii qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta lugu amray warbaahinta ka howlgasha Puntland inaysan baahin karin hadallada dad lugu sheegay inay nabadda ka soo horjeedan.
Amarka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta,waxaa markiiba ka soo horjeestay ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo NUSOJ.
Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ,Maahir Jaamac Aadan ayaa sheegay arrintaasi inay tahay mid lagu dhibaateynayo saxaafada madaxa banaan isla markasna uusan waafaqsanayn sharuucda Puntland iyo tan warbaahinta, wuxuuna ku tilmaamay afduub.
“Go’aanka wasaraddu waa mid aan loo eegin sharciga iyo xeerarka dowladda Puntland iyo kan saxaafadda,wana go’aano afduuf ah oo lagu dulminayo madaxbanaanida saxaafada xorta ah”.
Waxaa kalo uu sheegay guddoomiye,Maahir Jaamac inay wasaaradda waraafin iyo dowladaba laga doonayo go’aamada ay soo saarayaan in lugu saleeyo xeerarka u degsan waddanka.
Hoos ka dhageyso wasiir Soocadde oo dil ugu hanjabay wariyayaasha

Audio Player

___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...