Tuesday 16 August 2011

AMISOM oo helay Warshadii ugu ballaarneyd ee Bambooyinka Al-Shabaab ku sameyn jireen+Sawirro

Ciidamada AMISOM ayaa mar kale ku guuleystay inay soo saaraan waxyaabo qarxa iyo bambaanooyin la farsameynayay, oo loo adeegsanayay howl galada Al-Shabaab ee is qarxinta, kadib markii Ciidamada ay galeen Warshadii ugu ballaarneyd ee Shabaabka ku farsameyn jireen waxyaabaha qarxa iyo bambaanooyinka.

Kadib howl gal baaritaan oo muddo labo maalmood socday ayay Ciidamada AMISOM ku soo heleen hubkii ugu ballaarnaa oo isugu jiray gumacyada qoriga Hoobiye, B10, qoriga RBG iyo waxyaabo kale oo gebigood ahaa kuwo lagu farsameynayay waxyaabaha qarxa loo adeegsado.

Howl galkan ayaa ka dhacay meel ka mid ah degmada Wardhiigley oo dhinaca waqooyi ka xigta, sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Lt Col Paddy Ankunda ayaa sheegay in tani ay aheyd warshadii ugu weyneyd ee Al-Shabaab ku farsameyn jireen waxyaabaha qarxa, waxaa uu xusay in qaarkood ahaayeen kuwo Shabaab si gaar ah u soo saarayeen Bambaanooyinka Garneelada gacanta laga tuuro iyo waxyaabo kale.

Dhamaan agabyada ay soo heleen ayaa gaareysay 435, kaasoo ah labo jibaar midkii hore u soo heleen oo maalinimadii jimcaha uga soo saareen guri ku yaal Suuqa Bakaaraha, halkaasoo laga soo helay 137-gantaal, oo cabirkooda ahaa 155mm.

Bakhaarka hubka ayaa ahaa mid ay ka buuxeen rasaas duugoowday iyo qoryo hore loo isticmaali jiray, waxaa meelaha qaar yiilay walxaha biraha lagu jiro, oo ahaa mid rasaasta RBG dhexda looga goynayay, waxaa ku jiray suumanka la isku qarxiyo iyo alaabo si gaar ah looga farsameynayay minoooyinka iyo waxyaabaha qarxa loo isticmaalo.

Waxyaabaha ay ka soo heleen Warshadaas ayaa waxaa ka mid ah 49-xabo rasaasta Hoobiye Mortars, ilaa 38-gantaalo, iyo bambaanoyinka nuuca gacanta iyo agabyo kale.

Saraakiisha AMISOM ayaa ka digay inaan lagu deg degin goobaha ay ka baxeen Al-Shabaab, taasoo haatan muujineysa howl galada horu dhaca ah ee ay wadaan Ciidamada, kaasoo ay ku baarayeen waxyaabaha qarxa iyo haraadiga hubka ay u isticmaalaan sameynta qaraxyada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...