Tuesday 16 August 2011

DOOD FURAN: Ma La Joogaa Waqtigii ay Wada Hadli Lahaayeen DKMG iyo Al-Shabaab?

Muqdisho (RBC) Hal toddobaad ka hor ayaa afhayeenka ururka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere wuxuu ku dhawaaqay in ururkiisu uu ka baxay Muqdisho ayn bilaabayaan dagaal jabhadeyn ah oo ay ka soo bilaabayaan gobolada, taasi waxay soo afjari kartaa iska horimaadkii dhimashada badnaa ee mudo saddex sano ah ka socday gudaha Muqdisho.
Inkastoo aan la dhihi karin dagaal oo dhan ayaa dhamaaday, maadaama Al-Shabaab laf ahaantood aysan ogolaan nabadda, haddana waxaa muuqata dhowr waxyaabood:-
1- Waxaa soo baxay beryahan dambe warar suuqeed sheegaya in saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa Al-Shabaab qaarkood ay wada hadleen, ugu yaraana ka wada hadleen arimaha taagan, taasoo haddii ay sax noqoto ka dhigeysa markii ugu horeysa oo xubno labada dhinac ka tirsan uu xiriir noocaas ah dhexmaro in ka badan saddex sano.
2- Iyadoo ay sidaa jirto, ayaa haddana Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Shabaabka ayaa warbaahinta laga maqlay isagoo leh “Waa la wada hadli karaa haddii aan ogaano waqtiga ay dalka ka baxayaan ciidamada Amisom”.  Xasan Daahir wuxuu dhanka kale muujiyey in mabda’ ahaan wad hadalku uu jiri karo haddii, sida uu hadalka u dhigay “dawlada ay xor u tahay arintaasi”!
3- DKMG oo hadda heysata waqti 12 bilood oo kaliya, waxay u noqon kartaa fursad ay ku hirgaliso qorshah dib u heshiisiinta dalka.
4- Kala jabnaanta saraakiish sare ee Shabaab u dhexeysa, iyo hoos u dhaca awooda kooxda oo laga yaabo inaysan hadda ka dib sii wadi karin dagaalo waaweyn waxay sidoo kale noqon kartaa fursad dahabi ah.
Haddaba waxaa dad badan isweydiinayaan waqtigan ma yahay kii ku haboonaa inay DKMG iyo Al-Shabaab furaan wada xaajood, ugu dambeynta keena heshiis dhexmara labada dhinac, xitaa ugu yaraan in garab ka mid ah dhinacyada hadda Shabaabka u kala jabeen lala heshiiyo si nabad iyo xasilooni uga hirgasho caasimada burbursan 21-ka sano.
Qodobada afarta ahse ma yihiin kuwo loo daliilsan karo suurtagalnimada wada hadal dhex mara DKMG iyo Al-Shabaab? mise waxay kula tahay in aan weli la gaarin xilligii ku haboonaa wada xaajod noocaasi ah?
Maxay kula tahay?

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...