Friday 12 August 2011

Cali Dheere "Muqdisho kama aanan bixin, shacabku yeysan ku kadsoomin warbaahinta Gaalada"

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay ka laabteen go'aankooda ahaa inay ka baxeen Muqdisho 5-tii bishan, xilligaas oo si lama filaan ah ku faarujiyeen aagag badan oo ku yaala Muqdisho, isagoo ku celiyay inay Muqdisho ay meel walba iminka kaga sugan yihiin.

Cali Dheere ayaa uga digay shacabka Soomaaliyed inay ku kadsoomaan waxa uu ugu yeeray wararka been abuurka ay faafinayaan Warbaahinta Gaalada.

"Anaga meel walba oo Muqdisho ayaan joognaa, xataa garoonka diyaaradaha, shacabka waxaan u sheegeynaa in aysan ku kadsoomin hadalada Warbaahinta faafinayaan ee ay leeyihiin Shabaab waa jabeen"ayuu yiri Cali Dheere oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Mar uu ka hadlay qorshooyinkii dagaal ee ay dageen ayuu sheegay inay ka heleen qorshihii ay ka lahaayeen, waxaana uu cadeeyay in weeraradii ay ku qaadeen ay kaga dileen AMISOM ilaa 50-askari halka dhankooda uu soo gaaray dhimashada hal askari.

Hadalka Cali Dheere ee uu ku sheegay in aanay ka bixin Muqdisho ayaa tusaale u noqon kara sida xilligan ay ugu kala aragti duwan yihiin Shabaab, kadib markii ay dib uga laabteen go'aankooda horay uga baxeen goobihii ay ku sugnaayeen, hase ahaatee waxaa moodaa in Shabaabku ay lumiyeen dhul baaxad lahaa oo dhufeysyo iyo saldhig u ahaa, kuwaasoo haatan ay lka wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...