Monday 22 August 2011

Culimada Ahlusuna oo maamul kaga dhawaaqay Gobolka Mudug (Sawiro)


)

 
Share
Gaalkacyo (RBC Radio):- Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ee gobolada Puntland ayaa maanta kulan balaaran oo ay ku yeesheen hotelka Seylaan ee magaalada Gaalkacyo waxay ku magacaabeen oo ay ku dhiseen maamul heer gobol ah oo ka shaqeyn doona gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Ahlusuna ee loo magacaabay gobolka Mudug Maxamed deeq
Kulanka Culimaa’udiinka ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Culimada Ahlusuna Waljameeca ee gobolka Mudug iyo Puntland waxaana kulankoodaasi ay kaga hadleen suurtagalnimada in la dhiso maamul culimadu leedahay oo ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxaa Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ay isku waafaqeen in la magacaabo Maamul ka kooban Gudoomiye iyo Kuxigeenkiisa oo heer gobol ah kuwaasi oo hormuud u noqon doona maamulka Ahlusuna ay kaga dhawaaqday gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Ahlusuna Waljameeca ee gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Maxamed Deeq C/qaadir waxaana Gudoomiye xigeenka loo magacaabay Dr, C/risaaq Xuseen Baliile oo ka mid ah dhakhaatiirta gobolka ka howlgasha.
Dr, C/risaaq Baliile oo loo magacaabay Gudoomiye xigeenka Ahlusuna ee gobolka Mudug
Xil magacaabistani ayaa waxaa sameeyay Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ee Puntland waxa ay sheegeen oo ay ku tilmameen maamulkan ay u magacaaben maanta Gobolka Mudug  qorshe heer Gobol ah oo ay doonayaan in ay ka hirgalin doonaan dhamaan degaanada Puntland oo idil.
Maamulka cusub ee Ahlusuna ay kaga dhawaaqday gobolka Mudug ayaa la sheegay in uu ka warqabo maamulka Puntland isla markaana ay shaqadoodu noqon doonto in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka Mudug ee Puntland.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...