Saturday 13 August 2011

Dagaal Al-Shabaab iyo Dadka Deegaanka ku Dhexmaray Degaanka War-dhagax


Share
Muqdisho (RBC Radio) Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka War-dhagax oo ka mied ah deegaanada hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka War-dhagax.
Waxaana halkaasi uu dagaal xoogan oo khasaaro geestay  uu ku dhex maray ciidamada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.
Dagaalka ka dhacay deegaankaasi ayaa dadka deegaanka waxay inoo xaqiijiyeen inay ku dhaawacmeen ilaa iyo labo ruux  oo ahaa dad rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in xiisado dagaal maalmihii ugu danbeeyay ay ka taagnaayeen deegaankaasi kuwaas oo u dhaxeeya Al_Shabaab iyo dadka deegaanka.
Ilaa iyo iminkana ma jirto wax war ah oo ka soobaxay ururka Al-Shabaab oo ku aadagan dagaalkaan ka dhacay deegaanka War-dhax ee magaalada Jowhar.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...