Saturday 13 August 2011

Gaagaab: Tv-ga Somalichannel ayaa iga qoray war been abuur ah

Gaalkacyo (RBC Radio):- Madaxweyne xigeenkii hore ee dowladda Puntland ahna Agaasimaha xarunta nabadaynta iyo horumarka CPD Dr, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtey xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo waxaa uu kaga hadlay war uu ka faafiyay Telefishinka Somalichannel.
Dr, Gaagaab ayaa sheegay in Telefishinka Somalichannel uu baahiyay war uu sheegay in uu yahay kitiri-kuteen lagu waxyeeleynayo sharafkiisa, sumcadiisa iyo magaciisa isagoo sheegay in warkaasi uusan lahayn sal iyo raad.
“Wuxuu Somalichannel iga qoray in aniga oo ah Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo qoyskeyga in aan hortaaganahay nabadgelyada iyo horumarka gobolka Mudug, arintaasi dadkii akhriyay dad badan oo isoo wacay way la yaabeen oo xog ogaal ah, markii aan akhriyay oo aan ku arkay arintaasi la yaab bey igu noqotay” ayuu yiri Gaagaab.
Maamulka telefishinka ayuu Dr, Gaagaab sheegay in uu ka doonayo in ay caddeeyaan meesha ay warkaasi ka keenaan ama ay qirtaan in ay iyagu ka dambeeyaan oo ay mala-awaaleen.
“Arintaasi waxay meel ka dhac ku tahay sumcadeyda aniga iyo cidda kale oo qoyska ah ee ay igu lamaaninayaan, qoyska in ay qabiil uga jeedaan iyo in ay xaaskeyga iyo caruurteyda uga jeedaan anigu garan mayo, aniga Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan waa la iga yaqaan nabadgelyo xumo waligey ma abuurin, guddigii nabadgelyo ee 1993-kii Gaalkacyo laga dhisay raggii dhisay baan ka mid ahaa ilaa iyo intaasna nabadgelyada gobolka Mudug iyo Puntland ba waan ku howlanaa, la iguma yaqaan arintaa iyada ah, haddana waxaan madax ka ahay xafiis nabada looga shaqeeyo oo Odayaasha dhinacyada magaalada Gaalkacyo ay ku kulmaan oo khilaafka lagu xaliyo” ayuu yiri Dr, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo iska fogeeyay war ka baxay telefishinka Somalichannel oo lagu sheegay in Gaagaab iyo qoyskiisa ay hortaagan yihiin horumarka iyo nabadgelyada gobolka Mudug.SII Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...