Muqdisho (RBC Radio) Marwada koowaad ee Raysal Wasaare C/Weli Mss. Hodon Saciid Ciise oo maanta la kulantay ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.Xubnaha uruka Haweynka Soomaaliyeed ayaa kaga warbixiyay marwada Raysal wasaaraha xaalada abaaraha ka jira Soomaaliya iyo dhibaatooyinka heesta haweenka Soomaaliyeed
Hodon ugu deeqday haweenka liita in lagu tabaruco lacag dhan 1500$ si loo gaarsiiyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada iyo abaaraha, iyadoo mas’uuliyadeedana ay qaadayaan xubnaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Deeqdaan ayaa imaanaysa xili haweenka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaayooyin aad u badan oo ay ka dhacleen dagaalada iyo Abaaraha Baahsan ee ka jira gobalada Soomaaliya.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment