Tuesday 9 August 2011

RAAD RAAC: Shaxda Bixitaanka Al-Shabaab Iyo Qorshe Saddex Afle oo ay u Degeen Koonfurta Soomaaliya (Xog RBC Radio Heley)


Share
Nairobi (RBC) Saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay shax u dejiyeen deegaanada ay maamulaan ee koonfurta Soomaaliya, ka hor intii ka bixitaankooda magaalada Muqdisho oo ay ku dhawaaqeen toddobaadkan bilawgiisa.
Shaxdan ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee dagaal ee ay ku doonayaan inay ku sii wadaan qaabka dagaalka ay kula jiraan DKMG iyo Amisom inay ku wajahaan, maadaama ururka uu ku jabay dagaalkii weji- ka wajediga ahaa ee ay ka wadeen Muqdisho,  sida uu sheegay Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka guud ee ururka.
Xog laga helay saraakiil hoose oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa muujineysa in xubnaha ugu sareeya Shabaabku ay go’aamiyeen inay inay aagag kala calaamadeystaan ayna isu kala qeybiyaan.
Shaxda cusub iyo gobolada koonfurta Soomaaliya
Waxaa RBC Radio loo xaqiijiyey in shir toddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayna ka qeybgaleen xubnaha ugu sareeya ururka Al-Shabaab ay ku qeybsadeen qorshahooda cusub ee dagaalka, iyagoo furimaha dagaalka u kala qeybiyey saddex deegaan.
1-Gobolada Baay iyo Bakool: Waxaa loo xilsaaray saraakiisha ka soo jeeda beelaha Raxanweyn oo ah kuwa ugu badan  ciidamada Shabaabka   Waxaana hormuud u noqonaya Mukhtaar Roobow abuu Mansuur oo ka mid ajh raggii aas aasay Shabaabka, waxayna xaruntoodu noqoneysaa magaalada Baydhabo.
- (29% awooda Shabaab waa Raxanweyn).
2-Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose: Waxaa loo xilsaaray saraakiisha Shabaabka ee ka soo jeeda beelaha Daarood iyo Isaaq. Waxaana loo xilsaaray saraakiil ay ka mid yihiin Ibraahim Afghan (taliyaha guud), Xasan Turki, Fu’aad Shongole (madaxii fatwooyinka), Xasan Yacquub (masuulka Kismaayo) iyo Maxamed Abuu Cabdalla (masuulka Marka), kuwaasoo la sheegay inay iyagu difaaci doonaan deegaanadaasi ayna saldhig u noqon doonaan magaalooyinka Marka iyo Kismaayo.
- (22% ayey beelaha Daarood ku leeyihiin Shabaabka, halka 12% ay beelaha Isaaq ku leeyihiin Shabaabka)
3-Muqdisho iyo nawaaxigeeda (oo ay ku jiraan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe): Waxaa loo xilsaaray saraakiisha ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaaso ay hormuud ka yihiin Xasan Daahir Aweys, Cali Dheere (afhayeenka guud), Xuseen Cali Fiidow (madaxii siyaasadda), Cali Maxamed Xuseen (masuulkii gobolka Banaadir), C/laahi Xaaji Daa’uud (madaxii shirqoolada), Sahal Iskudhuuq (madaxa afduubyada), Xasan Afrax (madaxa xiriirka burcad badeeda) iyo Daahir Gacamey o ku magac dheer Cabdi Xaq (madaxii garsoorka).
- (Beelaha Hawiye waxay Shabaabka ku leeyihiin 18%)
Dejinta shaxdan ayaa ka dambeysay ka dib markii saraakiisha ugu sareysa Shabaabka ay arkeen in awood ahaan ay ku laciifeen dagaaladii saddexda sano ka socday caasimada Muqdisho, ayna xilligan sii wadi Karin sidaasi darteedna ay u baahan yihiin in kaartada dagaalka ay wax ka bedelaan.
Xubin muhim ah oo warkan soo gaarsiisay RBC Radio ayaa cadeysay in intii uu socday kulankii lagu jeexay qorshahan ay ka soo qeybgaleen saraakiil ajnabi ah o uu ka mid yahay Abu Mansuur oo loo yaqaano Cumar Xamami ahna nin u dhashay wadanka Mareykanka iyo dhowr sarkaal oo Afrikan madow ah kuwaasoo Shabaabka ku caawiya dagaalada Muqdisho iyo sameynta qaraxyada.
Waxaa kulanka lagu gorfeeyey waxyaabaha cunsurada waaweyn ah ee horseeday inay ururka uu bedelo habkii dagaalka uuna baneeyo furimihii Muqdisho ee mudo saddex sano ah ay ku adkeysanayeen kuwaasoo weliga rag badan ay ku waayeen hantina ku bixiyeen.
Waxyaabaha ay isla tilmaameen waxaa ka mid ahaa:-
1- Dhaqaale yaraan baahsan oo soo wajahday ururka, iyagoo u aaneeyey abaaro ku dhuftay gobolada ay maamulaan, iyo iyagoo waaey taageeradii ay ka heli jireen ganacsatada Muqdisho.
2- Xirnaanshaha suuqa Bakaaraha oo ku xirmay dagaalkii bishii Febraayo ka dhacay wadada warshadaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu bilow u ahaa dhaqaake darida (maadaama uu suuqu ahaa ail dhaqaale oo weyn).
3- Dhaqaalihii laga heli jiray dhanka Al-Qaacida, ayey saraakiishu cadeeyeen inuu meesha ka baxay bilihii u dambeeyey iyadoo sababtuna tahay markii la waayey cid isku xirta Shabaab iyo Al-Qaacida ka dib geeridii Fazul Cabdalla oo 8-dii bishii June lagu dilay meel u dhow Isgoyska Ex-Kontorol Afgooye.
4- Sidoo kale waxay saraakiisha qaar soo jeediyeen in meesha laga saaro kala shaki aad u baaxad weyn oo iyaga u dhexeeyey, tan iyo wixii ka dambeeyey dilkii Fazul Cabdalla oo rag ka tirsan Shabaabka lagu eedeeyey inay maleegeen.
Isdhaliilida Shabaab
Sidoo kale waxay saraakiisha Shabaab  isku dhaliileen in falal badan oo ay ciidamadooda geysteen ay dadka ka careysiiyeen, kuwaasoo ay ka xuseen in dad fara badan oo maxkamad la geyn la iska dilay isla markaana aan la qaban dadkii dilay iyo in xukuno adag oo qaarkood fikir qofeed ah lagu riday dad muwaadiniin ah oo aan dembi lahayn.
Abaarihii dalka ka dhacay oo aysan Shabaab wax fiican ka qaban iyo siyadoo hogaamiyaasha Shabaab aysan keenin wax natiijo ah oo dadka Soomaaliyeed laga iibin karo hadey tahay siyaasad iyo himilo ama wadaniyad ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ay dhexdooda isku cannaanteen.
Hogaanka ururka iyo Ibraahim Afghan
Saraakiisha Al-Shabaab waxay ugu dambeyntii kulankooda ku gooyeen in uu hadda ka dib hogaamin doono Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (oo ku magac dheer Abu-Bakar Aseylici) ka dib markii shirka laga sheegay in Axmed Godane (Abu Zubeyr) uu u dalacay dhanka Al-Qaacida, taasoo ay soo dhoweeyeen.
Arinta Axmed Godane waxay ka mid ahayd waxyaabihii ragaadiyey dhaqdhaqaaqii kooxda maadaama khilaafkii u dhexeeyey isaga iyo Ibraahim Afghan ay la kala safteen xubnaha kale ee ururka taasoo saameyn ku yeelatay dagaaladii ay ka wadeen Muqdisho.
 RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...