Tuesday 23 August 2011

Raysal wasaare C/wali: Al-Shabaab Dhowaan waxaa laga saari doonaa gobalada dalka


Share
Muqdisho (RBC Radio) Rayasal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa Sheegay mar dhow in Al-Shabaab laga saari doono dhamaanba gobalada wadanka Soomaaliya.
C/wali Maxamed Cali oo goordhow dadweyne badan kula hadlay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu rajaynayo in dhamaanba Al-Shabaab laga saaro gobalada wadanka Soomaaliya.
Sidoo kale Rayasal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka hor tagi doonto dowlada KMG cid kasta oo ka soo horjeeda amaanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.
Raysal wasaare C/wali Maxamed Cali ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay abaaraha ka jira dalka waxa uuna tilmaamay abaarta in ay si aad ah u saamaysay dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay Raysal wasaare C/wali in aanan cidna loo ogolaan doonin in ay iska dhacdo raashinka gar gaarka oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu ay saameeyeen.
Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyay Raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya dhamaanba wadamada caalamka ee u soo gurmaday dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu ay saameeyeen waxa uuna ugu baaqay in ay sii wadaan Gurmad.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...