Jigjiga (Kilil5)---Xafiiska Biyaha, Macdanta iyo Tamarta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo kamid ah xafiisyada ugu waawayn xafiisyada heer deegaan, kanamid ah xafiisyada horumarinta kaas oo hela miisaaniyadaha ugu badan deegaanka ayaa qaarka u saaran in albaabada loo xidho shaqo xumo darteed. Inkastoo aanu hore qiimayntii xafiisyada heer deegaan ugu sheegnay dhibaatooyinka kajira xafiiskan hadana waxaa jira cabashooyin iska soodaba dhacaaya oo kusaabsan shaqo xumada iyo musuqa kajira xafiiskan taas oo nagu kaliftay inaanu mar labaad dib u fiirino si aanu xukuumada iyo bulshada ugu soo bandhigno xaalada uu kusuganyahay xafiiskani iyo hantidii dawlada ee magaca bulshada kusoobaxday ee sida badheedhka ah loolunsanaayo.
Xafiiska oo uu madax-xafiiseed kayahay Dr. Suldaan Wali kaas oo sidookale ah kuxigeenka madaxwaynaha deegaanka, ayaa sidookale ay kuxigeen katahay gabadh lagu magacaabo Fartuun, taas magacaabideedii iyo xil u dhiibideedii uu ka dambeeyay suldaan wali. Xafiiskan ayaa wakhti dheer u xidh-xidhnaa sadex qof oo kale ahaa Wasiirka Dr. Suldaan Wali, Kuxigeenka Fartuun iyo Madaxii qorshaynta Cabdikariim Caaqib, oo isaga hada isku shaandhayntii katuurtay xafiiska cadaalada. Hadii aan waxyar kataataabto dabeecadaha Dr. Suldaan Wali waa nin aan da’waynayn, laguna
tilmaami karo dhalinyaro. Waa nin marka lagayimaado aqoontiisa PHD, aan lahayn karti badan oo uu kumaareeyo shaqaalihiisa iyo shaqada xafiiska, waana nin aaminsan in aysan jirin isaga cid ka aqoon iyo kartibadan taas oo uu shaqaalihiisa ugu hanjabo “Maxaad Taqaanaa?” iyo “Maxaad Qaban kartaa?”. Waa nin labada saacadood ee iskuxiga aadan isku waji ugu imanayn, waa nin waxa uu afka kaleeyahay iyo waxa uu uurka kuugu hayaa aysan iswaafaqsanayn. Sidookale Dhoktorka iyo rag lamida, ayaa leh dabeecado ay kasoo koobiyeeyeen madaxwayne Daa’uud Maxamed Cali, kaas oo
lagu tilmaamijiray inay kujirtay shaqsi iyo Soomaalinimo nacayb, kuwaas oo shaqaalaha Amxaarada iyo qoomiyadaha kale kasoodhawaysta Soomaalida. Dhoktorka ayaa shaqada u yaqaana in shaqaalaha lacanaanto, loo hanjabo iyo in riboortiyo quruxbadan laqoro oo laga soojeediyo goobaha qiimaynta.
Dr.Suldaan wali oo ay saaxiibo ahaayeen Daa’uud Maxamed Cali ayaa ceebaha uu lahaa madaxwaynahaasi ay kamid ahaayeen in shaqsiyada uu ka hor marinjiray waxqabadka taas oo inta badan ay dhicijirtay in xafiiska biyaha lasiiyo kaalinta labaad iyo sadexaad iyadoon lagu qiimaynin wixii uu qabtay, balse dhawaanshaha uu ka agdhawaa Daa’uud uu ku helijiray kaalmahaas. Waxaa xasuusin mudan in isaga oo kaalinta labaad lasiiyay uu hogaankii nabadgalyada deegaanka ee xiligaas waa madaxwaynaha hada, mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo u adkaysan waayay oo shirkii qiimaynta ka horcadeeyay in wax uu qabtay xafiiskaasi uusan jirin isaga oo tusaale usooqaatay biyo la’aanta kajirta magaalada Jigjiga, gobolada iyo degmooyinkana aanba lasoohadal qaadi karin xaalada biyo la’aaneed. Dr. Suldaan xiligii Daa'uud muusan lahayn awood badan, balse wuxuu aad uga agdhawaa madaxwaynaha, hadase awoodiisii ayaa loogu daray awood aan lagu hor istaagi karin oo uu iskaga cabin karo madaxwaynaha.
Dr. Suldaan ayaa lahaa taladii iyo magacaabidii wasiir kuxigeenka xafiiskan marwo Fartuun, taas oo uusan kusooxulanin karti ay lahayd iyo waxqabad balse uu rabay inuu sida uu rabo u rog-rogto una maamusho kadib markii ay hore dhawr goor isugu dheceen kuxigeenadii xafiiskaas oo ay wada shaqayn kariwaayeen markii ay ka horyimaadeen amaro sharcidaro ahaa. Sidookale xafiiskan ayaa qaybta maamulka iyo Qorshaynta uu geeyay nin lagu magacaabijiray Cabdikariim Caaqib kaas oo aad uga agdhawaa wasiirka ahaana jeebada koowaad ee uusoomaro musuqa Dr. Suldaan wali. Dhoktorka ayaa qaaday olole uu Soomaalida, gaar ahaan kuwa jooga boosaska muhiimka ah uu xafiiska kaga nadiifinaayo isaga oo awoodii iyo shaqooyinkii xafiiska gacanta ugaliyay Axmaaro gaar ahaan injineerada, kuwaas maal aduun badan ka qaata qandaraaslayaasha iyo iibabka qalabka biyaha. Waxaa arinkan ku xaqiijinaaya Xafiiska Biyaha xukuumadihii hore iyo madaxdii ka horaysay Dr. Suldaan Wali waxaa qaybta injineerinka iyo guud ahaan xafiiska joogay shaqaale Soomaali ah oo badan, balse maanta ma joogo hal shaqsi oo Soomali ah waaxada injineeriyada, waxaana iska maamusha axmaaro. Waxay cabashooyin badani kasoo yeedhayaan qandaraaslayaasha deegaanka oo sheegaya in aysan wali hore u arag musuqa maanta kataagan xafiiskan.
Xafiiskan ayaan ilaa hada aysan kahirgalin barnaamijyadii BPR ka, isku shaandhayntii iyo nidaamkii dib u curashada shaqaalaha heer deegaan lagu kalabadalaayay. Dr. Suldaan oo haatan leh awood uu gaashaanka ugu daruurikaro amarada madaxwaynaha iyo hirgalinta nidaamayada suuban ayaa hor istaagay in loobadalo xafiiska beeraha iyo in isku shaandhaynta shaqaalaha heer deegaan xafiiskiisa ka hirgasho isaga oo kabaqaayay in musuqii iyo lunsashadii hantida shacabku ay kakala go’do. Iskushaandhaynta ayaa kaliya kasaamaysay hal shaqsi oo ahaa Cabdikariim Caaqib oo isaga loobadalay xafiiska cadaalada badalkiisiina ay dad badani kufarxeen iyaga oo farxad iyo raynrayn isku salaamaayay maalmihii labadalay maadaama uu ahaa dhuunta musuqu soomaro iyo ninkii shaqaalaha madaxa kaga fadhiyay. Dhamaan shaqaalaha soomalida ah ee hada ku hadhay xafiiskan ayaa ah qaar ku nool duli kuna shaqeeya qaab lahaysasho ah iyagoon lahayn wax awood ah oo ay kusixikaraan khaladaadka jira dantuna ay kukaliftay in ay isha uun wax kadhawraan, musuqa wasiirka iyo kuxigeenkiisa ayaan ahayd mid geed loogu soo gabado.
Ugu dambayntii waxay dad badan oo ay kamidyihiin qandaraaslayaasha deegaanka, shaqaalaha xafiiskan iyo bulshada uu oonku laayay quudaraynayaa qiimaynta xafiiska kaas oo ay baaq umarinayaan shabakadan Kilil5 in madaxwaynaha deegaanku usoogurmado xafiiskan si fool kafool
iyo shaqsi-shaqsi ahna looqiimeeyo xafiiskan, hantidii umada ee guryaha cadcad laga wada dhistayna umada loosooceliyo iyo in gurmad loogalo samatabixinta umada abaaruhu halakeeyeen.
Cabdi shukri (Xarago)
Jigjiga, Kilil5 Online
No comments:
Post a Comment