Last Updated on Monday, 01 August 2011 15:03 Written by Administrator Monday, 01 August 2011 13:31
Somalimemo.net:- Abaartii dhoweyd markii Mujaahidiintu sameeyeen gurmadkii biyo-dhaaminta baa Beesha Gaaladu weerar ku soo qaadday Balad Xaawo, Luuq, Ceelwaaq, iyo Dhoobley.
Haddeer markii xerada Dhabaab ay tageen dad UN-ka ka socda, fannaaniin, iyo wadaaddo Soomaaliyeed baa Beesha Gaalada iyo Carrotuurku bilaabeen inay dhahaan: Shabaab hanaga joojiyeen dagaalka si loo caawiyo dadka tabaaleysan! Nasiib-darro markii Kuweyt iyo waddamo Carab ah lacago iyo raashin bixiyeen baa inta Amisom iyo carrotuurkii loo qeybiyey la bilaabay dagaal lala galo Mujaahidiinta!
Yaa caqliga noocaas ah fahmi kara? Si xildhibaannada qaarkood iyo labo Shariif u hadlin; waxaa Maraykanku bilaabay inuu dhaho: waxaad lunsateen hanti badan oo Maraykanku bixiyey! Hadda Beesha Gaaladu waxay rabtaa in Amisom lacag loogu helo in sawirrada dadka gaajeysan adduunka la tuso oo markii lacag lagu aruursado lagu galo weerar lagu qaado Mujaahidiinta!
Waxaa dhici karta in Beesha Gaaladu dhahaan: dagaalka waxaan u galnnay inaan Shabaab ka leexinno dadka hortooda saan u gaarsiinno deeqaha! Hadda waxaa Beesha Gaalada ka yaabiyey in Qabuurogaleenkii Gedo iyo Galgaduud leeyihiin: war cunto nala soo gaara; annagaan Shabaab nala joogine? Marka bal marka hore hadday run sheegayaan gaaladu cunto ha siiyaan kuwa Qauburogaleenka, Galmudug, Puntland, iyo Somaliland hoos jooga! Ama shacabka Amisom hoos jooga. Markii la damcay in kuwa sheegta bulshada rayidka ah cunto siiyaan dad Amisom hoos jooga; waxaa raashinkii ka boobay carrotuurka! Maalmo ka sii horna waa tii Indhocadde iyo Dhegobadan isku heysteen adaa bakhaarka jabsaday iyo adaa jabsaday!
Marka ciddii lacag u direysa dadka dhiban ha ugu hagaajiso dadka gaarsinaya ee yaan lacagtooda Amisom mushaar iyo raashin lagu siin.
Somalimemo.net
No comments:
Post a Comment