Last Updated on Monday, 01 August 2011 18:25 Written by Administrator Monday, 01 August 2011 14:16
Wakaaladda Wararka SomaliMeMo ayaa faah faahin iyo xog daqiiq ah ka heshay dagaal maanta duleedka Ceelwaaq ku dhaxmaray ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaad Kenya lagusoo tababaray.
Sida aan wararka ku helayno dagaalku wuxuu socday in kabadan 2 saacadood oo xariir ah wuxuu ka dhacay duleedka Buursaar ee Ceelwaaq hoos timaad, sarkaal sare oo katirsan Mujaahidiinta ayaa Khadka Taleefanka kulasoo xariray SomaliMeMo isagoo ku sugan Buursaar 30-daqiiqo kadib markii uu dagaalku hadkay wuxuuna nasiiyay xogtan Hoos ku qoran.
Ciidamada Mujaahidiinta dagaal saacado qaatay kadib waxaa u suuragashay in ay khasaara lixaad leh gaarsiiyaan cadawga ayna ka qabaniimeysteen Hub taya leh.
Maleeshiyaadka cadawga waxaa laga qabsaday 6 qori nuuca AK47 ah 3 qori nuuca BKM, tirakoobka rasmiga ah ee Mujaahidiinta sameeyeen cadawga waxaa laga hayaa Meydadka ilaa 7 ASkari waxaana jira kuwa Howdka ku firxaday oo aan weli Meydadkooda lasoo aruurin.
Saraakiisha mujaahidiinta ayaa wixii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Buursaar iyo Ceelwaaq ku sifeeyay Malxamad taariikhi ah oo lagu xusi doono fagaaraha Jihaadka geeska Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya, sarkaalkan Buursaar ku sugan ee SomaliMeMo u waramay wuxuu leeyahay Maleeshiyaadka waxay u furxadeen tuulada SAMAROOLE,tuuladan SAMAROOLE waa meel aad u kulul oo aan lahayn Biyo iyo meel wax laga gato waxaana loo maleynayaa in Maleeshiyaadku ay aadi doonaan deegaanka Garsaal oo 9 KLM u jira Ceelwaaq.
Intii uu dagaalku socday waxaa ladilayay Taliye Guuto oo lagu magacaabi jiray Cabdi Madoobe Ismaaciil Gab-Gab oo kamid ah saraakiisha maleeshiyaadka kusoo tababartay dalka Kenya.

No comments:
Post a Comment