Monday, 1 August 2011

SomaliMeMo oo soo Bandhigaysa wax soo saarka dhul Beereedka Gobolada Jubooyinka (QAYBTII SADEXAAD SAWIRO)


Xilli uu socdaalkeenii uu marayo heer gabagabo ah ayaan qeybtaan waxaan booqasho ku mareynaa Dhulbeereedka tuulada Buulogaduud oo ka mid ah deegaanada gobolka Jubadda Hoose.

Tuulada Buulogaduud waxay qiyaastii 30KLM dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan tahay magaalada Kismaayo ee xarunta Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyiinka. Dhinaca kale Buulagaduud waxa ay ka mid tahay dhulka ku teedsan Wabiga Jubba

Laakiin marka laga hadlayo qaabka Dhulbeereedka Buulogaduud waxa ay tahay mid xoogaa ka yara duwan deegaanadii aan soo marnay iyada oo dhan walba ku fiican Dhul beereedka Tuulooyiinka kale sababa dhowr ah oo ay kulansatay awgeed:

1- Buulogaduud waa Tuulo ku teedsan Wabiga Jubba gaar ahaan dhinaca Bari iyadoona Dhulbeereedkeedu uu yahay mid aad u balaaran, Beeraha ayaad arkeysaa marka aad dhex marayso magaalada iskaba daa meelaha ka fog Tuulada.

2- Dhasheega Waamo oo aan ka yareysaneynin xagga biyaha iyo Dhulbeereedka Tuulooyinka u dhow dhow, wabigga Jubba oo isagana dhinaca galbeed ka mara tuulada waxaana uu arinkaasi keenay in shaqsi kastaa oo ka mid ah dadka tuulada degani in uu beer khaaas ah lahaado.

3- Wadada caalamiga ah ee laamiga oo marta tuulada, taasi waxay sahashay in dalaga kasoo go’a Dhulbeereedka tuuladaasi Buulogaduud in uu wax ka yar 20 daqiiqo ku soo gaaro suuqyada magaalada Kismaayo

Dhamaan arimahaas isbiirsaday waxay ku garab siiyeen dadka tuulada iney ku dhiiradaan tacabka iyo qodida dhulka in kabadan dadka Tuulooyinka kale waxaana 90% dadka deegaankaasi yihiin Beeraley halka inta soo hartana ay yihiin Ganacsatada iib keenta miraha iyo khudaarka laga soo gooyo beeraha deegaanka.

Dhulbeereedka ku teedsan tuulada labadeeda dhinac ayaa mar aan soo dhexmarnay waxaa noo muuqanayey Badar kala duwan oo isugu jira khudaar iyo miro soo baxaya waxaana ka mid ah Galleyda, Basasha, Caleenta Shaaha, Qasabka, Cambaha iyo khudaar aad u badan oo aan rajeynayo inaan sawirada soo socda ku arki doontaan insha ALLAAH.
Si kastaba ha ahaatee Dhulbeereedka Jubooyinka oo ah dhul aad u balaaran ayaa hadda waxay u muuqaneysaa in shacabka Soomaaliyeed ay u soo jeesadeen iney ka faa’ideystaan soo saarka kheyraadka dhulkooda ALLAAH ku beeray, waxaana jira dhiiri galin dhinaca Wilaayada uga imaaneysa Beeraleyda Gobolka taasoo ay ka mid yihiin furidda Kanaalada, bixinta Beeraha cusub iyo siinta Beeraha dhulkii Dowladii hore.

Waxaaana dhanka kale jirta in Beeraleyda Jubooyinka ay dhankooda fahmeen khatarta iyo dhagarta Ha’ay gaaleedyada ay lahaayeen waxayna kuu sheegayaan in waxa ka hortaagnaa tacbashada Dalagyadooda ay ahaayeen hay’ad Gaaleedyada laakiin hadda ay fahmeen una soo jeesteen beerashada Dalagyadooda.
Fiiro gaar ah: Wilaayada Jubooyinka waxay fureysaa waaaarada Beeraha oo hadda dhismaheedu uu soo gabagaboobay, hadii ALLAAH qadarana waxaan sawiro ka soo qaadi doonnaa dhismaha iyo furitaanka Wilaayada ee wasaaradaasi loogu magacdaray Wasaarada Beeraha iyo Hormarinta kheyraadka.















































No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...