Madaxa howlgalada hay’ada miina-saarka Puntland ee (PIMAC) Cabdicasiis Aw Salaad ayaa RBC Radio u xaqiijiyay in qaraxa uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale.
C/casiis waxaa uu sheegay in qaraxa ay tuhmayaan in uu ka dhashay bamka nooca gacanta laga tuuro hase ahaatee aysan ka hor dhaceyn natiijada baaritaano hadda ay ka wadaan halka uu qaraxu ka dhacay ee bartamaha magaalada Garowe.
Qaraxa ka dhacay magaalada Garowe ayaa ku soo beegmaya xilli habeenimadii xalay gudaha magaalada lagu dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka PIS-ta, waxaana sidoo kale magaalada Garowe weli ka soconaya dabaaldegyo lagu maamuusayo aas’aaskii Puntland.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment