Wednesday 17 August 2011

Yaa ku gacan sareeyay Dagaaladii cuslaa ee Xalay ilaa iyo Maanta Muqdisho ka socday? (Warbixn).

somalimemo.netWaxaa maanta gelinkii dambe soo gaba gaboobay dagaallo culus oo saaka ka qarxay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo cidiamada shsiheeye.

Sida aan waarkeeni hore ku sheegnay dagaaladii maanta ayaa daba socday dagaallo xalay fiidkii ka dhacay inta badan xaafadaha dhaca waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Muqdisho.

Dagaalada oo ahaa kuwa culus waxay si toos ah uga dhaceen Hotel Lafweyn ilaa iyo Hotelka Ramadaan halkaasi oo ay maanta barqadii soo gaareen ciidamo Burundiis ah iyo Maleeshiyaad taabacsan DKMG ah.

Saraakiil katirsan mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyay in dagaalkii maanta ay khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidaka shisheeye sida iyagoo taangi gubay mid kalana dhaawac gaarsiyay.

Dhimashada ciidamada shisheeye ayaa kor u dhaafaysa 8 Askari halka Maleeshiyaadka DKMG ah lagaga dilay dagaalkii maanta 15 Askari sida ay ilo wareedyo gaar ah noo xaqiijinayaan.

Dhamaan goobihii lagu dagaalamay waxaa ku sugan ciidamada mujaahidiinta sida Fagax,Hotel Ramadaan ilaa iyo halka loo yaqaan Godka SiiSII.

Xaaladda ayaa caawa degan waxaana xaafadaha dhaca Huriwaa,Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ku caanbaxay halgankii Itoobiya lalagalay gacan ku heyntooda xajistay mujaahidinta iyo shacabka Muslimka ah.

1 comment:

Anonymous said...

Excellent blog! Do you have any tips for aspiring writers? I'm hoping to start my own website soon but I'm a little lost on everything.
Would you suggest starting with a free platform like Wordpress
or go for a paid option? There are so many choices out there that
I'm completely overwhelmed .. Any ideas? Thank you!

Here is my homepage - shuttle van jeep or tricycle

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...