Wednesday 17 August 2011

Shirweyne Xasaasi ah oo Afmadoow uga furmay Mujaahidiinta Beesha Afmadoow.

somalimemo.netKulan heer sare ah oo ay kasoo qeyb galeen Salaadiinta beelaha Absame iyo hogaanka Mujaahidiinta Somaliya ayaa maanta ka furmay wilaayada Islaamiga Jubbada Hoose.

Weriye Cabdi Raxmaan Yare oo ku sugan degmada Afmadoow ayaa soo sheegay in maanta uu si toos ah u bilaawday kulankii weynaa ee lawada sugayay kaasi oo u dhexeeya beesha Absane iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Mas'uuliyiin sarsare oo katirsan mujaahidinta ayaa goob joog ka ahaa kulanka halka dhanka beesha Absame aysan kasoo tegin salaadiin.odayaal dhaqameedyo,culimo iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynahan ka furmay Afmadoow wuxuu socan doonaa muddo 3 maalmood ah waxaana looga arrinsan doonaan qadiyada Muhiim ah oo dan u wada ah beesha iyo mujaahidiinta Soomaaliya.

Madaxda ugu sareysa wilaayada Jubbooyinka ayaa hadallo ka jeediyay furitaankii shirweynaha waxaana laflayaa in maalmaha soo socda go'aano lagu farxo kasoo baxaan kulankaasi.

Shirweynahan ayaa kusoo aadaya iyadoo ay fashil qarka u saaranyihiin maleeshiyaadka Kenya lagusoo tababaray kuwaasi oo doonayay in ay dumiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Jubbooyinka ka hana qaaday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...