Wednesday 17 August 2011

Xukuumadda Raysul Wasaare C/weli Gaas oo ku Fashilantay inay ka Hadasho Heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ee Shidaalka looga Baarayo Ogadeniya (Warbixin)

Share
Muqdisho (RBC) Xukuumadda KMG Soomaaliya ee uu raysul wasaaraha ka yahay C/weli Maxamed Cali Gaas ayaan haba yaraatee, illaa haatan aan wax jawaab ah ka bixin heshiis la sheegayo inuu dhexmaray maamulka Somaliland yo xukuumadda Ethiopia kaasoo ujeedkiisu yahay in gaas laga soo saaro gobolka ay Ethiopia heysato ee Ogaden iyadoo fulinta qorshahaasi loo isticmaalayo dekeda Berbera.
Wakaaladda wararka dalka Ethiopia ayaa Sabtidii sheegtay in kulan saddexaad geesood ah uu dhexmaray wafdi ka socda wadanka China, maamulka Somaliland iyo masuuliyiinta Ethiopia iyagoo wada saxiixday heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan in gaas laga baaro gobolka Ogaden ee ay Ethiopia ka heysato Soomaaliya.
Nuxurka heshiiska saddex geesoodka:
Sida ku cad qorshaha heshiiska waxaa saddex dhinac (Somaliland, Ethiopia iyo shirkad Chinese ah) ay wada saxiixeen heshiis soconaya mudo 25 sano oo shirkadda Chinese-ka ay shidalka uga iibsaneyso Ethiopia.
Shirkadda Chinese-ka ayaa lagu magacaabaa PetroTrans Company Ltd waxaana fadhigeedu yahay Hong Kong.  Waxay shirkaddan Ethiopia u sahamineysaa ka dibna u soo saareysaa gaaska dabiiciga ee ceegaaga ciida Soomaaliyeed ee Ogaden. Waxaana sida heshiiska ku qoran shirkadda PetroTrans Company Ltd ay bixineysaa adduun gaaraya $4 bilyan (afar bilyan oo doolar) oo ah kharashka ku baxaya horumarinta iyo soo saarista ceelal gaas ah oo ku yaalla block-yada 3 iyo 4, 11 iyo 15, 12 iyo 16, iyo sidoo kale 17 iyo 20 ee gobolka Ogaden.
John Chine oo ah gudoomiyaha shirkadda PetroTrans Company Ltd ayaa magaalada Addis Ababa ugu sheegay wariyaasha in shirkadiisu y dhiseyso dhuumo gaaska iyo shidaalka ka qaada gobolka Ogaden kuwaasi oo tagi doona illaa dekeda Berbera halkaasoo sidoo kale John Chine uu sheegay inay ka sameyn doonan adeegyada looga baahan yahay si shidaalk iyo gaaska maraakiib loogaga daad gureeyo dekeda Berbera oo ay Somaliland maamusho.
Dhanka Somaliland, madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan heshiiskan isagoo ku micneeyey heshiis iskaashi, hase yeeshee Siilanyo ma uusan ka hadlin in wax uu ethiipia siiyay ay tahay deked Soomaaliyeed iyo shidaal Soomaaliyeed oo labaduba aysan xaq u lahayn.
Dekeda Berbera oo ay wada yeelanayaan Ethiopia iyo Somalliland
Waxyaabaha kale ee yaabka leh kuna jira heshiiskan saddex geesoodka ah ayaa in dekeda Berbera oo ka mid ah hantida ka dhexeysa ummada Soomaaliyeed ay wada yeelan doonaan Ethiopia iyo Somaliland halka taasi bedelkeeda la sheegay in dekeda ballaarin lagu sameynayo.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...