Tuesday 16 August 2011

Al-Shabaab oo ka Hadashay Dagaalkii Maanta ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho


Share
Muqdisho (RBC) Saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa caawa ka hadlay dagaalkii maanta ciidamadooda iyo kuwa DKMG oo garab ka helaya ciidamada Amisom ku dhexmaray deegaano ka mid ah waqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka dhanka hawlgallada ee Al-Shabaab Sheekh C/casiis abu Muscab ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku gubeen hal taangi oo ay leeyihiin ciidamada Amisom, isagoo sheegay in illaa haatan u yaalo isgoyska Fagax.
Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in askari nool oo ka tirsan ciidamada DKMG ay gacanta ku hayaan kaasoo uu sheegay inay dagaalka ku soo qabteen maanta.
Dagaalka maanta, ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay isbedelka lagu sameeyey qorshihii dagaalka ay ka wadeen Muqdisho.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha DKMG ah oo ku aadan warka ka soo baxay dhanka Al-Shabaab.
Dhanka kale, dagaalkii saaka ka dhacay qeybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban ruux iyadoo deegaano fara badana ay la wareegeen ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom.
Caawa fiidkii ayey Shabaabku markale weeraro ku soo qaadeen deegaanadii saaka la qabsaday.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...