Tuesday 16 August 2011

DEG DEG: Duqeyn iyo Rasaas Goos Goos ah oo Caawa Laga Maqlayo Waqooyiga Muqdisho


Share
Muqdisho (RBC) Sida ay goor dhow noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaanada waqooyiga Muqdisho waxaa caawa si weyn loo maqlayaa madaafiic lagu garaacayo deegaano ka mid ah waqooyiga magaalada iyadoo sidoo kale dagaalo goos goos ah ay jiraan.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay caawa weeraro ku soo qaadeen meelihii maanta looga qabsaday dagaalka ee ka tirsan dhanka waqooyi ee magaalada halkaasoo qadar saacado ah ay ka socdeen rasaas iska horimaad toos ah.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in duqeymo culus ay ku dhacayaan xaafadaha degmada Huriwaa sida warshadii baastada iyo deegaanka suuqa xoolaha oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.
Dhanka kale waxaa soo baxaya faahfaahinta khasaarihii dagaal maanta ka dhacay degaanada waqooyiga magaalada waxaana tirakoobka illaa hadda la hayo uu sheegayaa illaa 10 ruux oo dhimasho ah halka dhaawacyadu ay gaarayaan dhowr iyo toban ruux.
Dagaalada caawa ka dhacay deegaanada waqooyiga Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay la wareegeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo saaka dagaalo kooban ay ka dheceen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...