Tuesday 23 August 2011

Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo xoogay Dad masaakiin mucaawino ku watay Gaari gacan

Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ayaa dad masaakiin ah oo mucaawino laga soo siiyay mid ka mid ah xerooyinka lagu qeybinayay oo ku watay gaari gacan ka xoogay, iyagoo kula dhaqaaqay dhaawac iyo dil.

Sida ay sheegayaan wararka Askarta ayaa dadkan ku dhacay degmada Xamar Jajab, xilli shalay qeybo ka mid ah degmadaas laga qeybinayay raashin gar gaar qeyb ka ahaa deeqdii ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga.

Askarta ayaa kula dhaqaaqay inay Qoriga Baadkiisa ku garaacaan, deetana kii diiday rasaas ku dhiftay, waxaana ku dhintay hal ruux, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkan oo watay Bur-Bariis, Saliid iyo raashinka nafaqeysan oo ku jiray Baakado waa weyn ay ku qasbeen markii hore Askarta inay soo wareejiyaan, balse ay ka madax adeegeen, taasoo keentay inay gacanta ula tagaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa isa soo taraya gar gaarka sama falka oo lagu boobayay qeybo ka mid ah Muqdisho, inkastoo Dowladda ay digniin ka soo saartay, hadana waxaa wali caqabad ay heysataa qaabka qeybinta gar gaarka oo dad fara badan ay gaajo u dhimanbayaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...