Tuesday 23 August 2011

Qaabkii ay u dhacday toogashadii maanta ee askartii lagu dilay Tiirka School Polizio+Sawirro

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta Tiirka School Polizio ku toogatay askar ka tirsan ciidanka Dowladda oo horay dilal u geystay, waxaana askartan ay ahaayeen askartii 7aad ee Maxkamada xukun dil ku fuliso tan iyo markii ay bilowday inay Maxkamada ay xukuno ku fuliso qeybaha kala duwan ee Ciidamada.

Labada Askari ee la toogtay ayaa mid ka mid ah lagu magacaabi jiray Cabdi Sankuus Cabdi 31-jir oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada Gaashaandhiga oo dilay nin rayid ah iyo C/llaahi Jiinow Guure 29-jir oo isna ahaa dable ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dable kale dilay.

Hadaba waxaa markii la geeyay Tiirka toogashada ee School Polizio Labada gacan ku dhiigle waxaa si saf ah rasaas ugu harqiyay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyagoo indhaha laga duubay iyo xarigna tiirka loogu xir xiray si aysan u baxsan.


Xafiiska Wararka Jowhar.com Muqisho
jowharnews@gmail.com




Askarta oo saf ku jira isuna diyaarinaya toogashada, iyo mid ka tirsan askartii la tooganayay oo Tiirka gadaashiis maray



Askari sii dhameystiraya mid ka mid ah gacan ku dhiiglayaashii la tooganayay



Karfan loo diyaarinayo markii rasaastii lagu harqiyay ku geeriyoodeen



Xargaha lagula qataaray tiirka oo laga soo furayo, si loo karfaneeyo




Markii la karfaneeyay kadib oo loo wado qabri ku yaala hareeraha School Polizio oo loo diyaariyay si loogu aaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...