Tuesday, 2 August 2011

Cali Dheere oo sheegay in weerarkii is qarxinta galabta ku dileen Saraakiil Cadaan iyo Afrikaan

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge ayaa sheegay in weerar galabta ay ku qaadaan bar ciidan ay lahaayeen Ciidamada AMISOM ay ku dileen Saraakiil Cadaan iyo Afrikaan isugu jira.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen uu ahaa mid najaxay, isagoo xusay in naftood hurayaal ay beegsadeen saldhig Ciidamada AMISOM lahaayeen degmada Wardhiigley.

"Mujaahidiinta waxaa u suura gashay in Saddex ka mid ah saraakiisha Cadaan oo awal lagu ogaa tababarka, balse maalmihii dambe soo galay safka hore ee dagaalka ayay ku dileen, waxaa kaloo isla goobta ay ku dileen 8- ka mid ah Saraakiisha Afrikaanta"ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay degmooyinka Howlwadaag, Wardhiigley, iyo Yaaqshiid, isagoo sheegay in qasaare iyo jab weyn ay ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM.

Waxaa uu sheegay inay ka guuleysan doonaan dagaalada Ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa uu shirkiisa jaraa'id ku soo hadal qaaday dagaaladii ka dhacay Gobolka Gedo, halkaasoo uu tilmaamay in qaniimo badan ku heleen.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli Ragg xirnaa dareyska Ciidamada Dowladda ay galabta weerareen agagaarka Isgoyska Florenza oo fariisin ku lahaayeen Ciidamada AMISOM ,iyagoo dabadeedna isku qarxiyay raggii hubeysnaa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...