Tuesday, 2 August 2011

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay arimo badan oo khuseeya Puntland


Share
Garowe (RBC Radio):- Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka hadlay xaalado badan oo khuseeya deegaanada maamulka Puntland.
Madaxweynuhu waxaa uu si gaar ah uga hadlay amaanka, heshiis Puntland ka gashay arimaha Galgala, beelaha Puntland, shirka wadatashiga ah ee la filayo in lagu qabto Garowe iyo arimo kale oo badan.
Mudane C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay wada hadal ka galeen arinta koox mucaarad ah oo ka dagaalami jiray buuraleyda Galgala, wuxuuna sheegay in arintaasi ay kala hadleen Odayaasha dhaqanka ee Cal-madow isla markaana ay isku afgarteen in ay deegaanka nabadgelyadiisa kala shaqeeyaan Puntland oo ay ka eryaan deegaanadooda kuwa ay Puntland ku sheegtay in ay ku soo duuleen deegaanadeeda.
Wuxuu kaloo Madaxweynuhu ka hadlay  arimaha qabaa’ilka Puntland gaar ahaan colaadaha dhexmara beelaha Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in colaada beeluhu ay tahay dhaqan soo jireen ah hase ahaatee muddooyinkii dambe si xun loo sii kordhiyay oo la isu isticmaalay hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna Madaxweynuhu balan qaaday in ay hub ka dhigis ku sameyn doonaan dhamaan beelaha Puntland.
Beelaha ku dirirsan deegaanka Kob-dhexaad ayaa Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay in ay ka dhex bilaabeen wada hadal iyo waan, wuxuuna intaa ku daray in Wasiirka Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan uu tagey deegaankaasi isaga iyo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo deegaankaasi  u tagey in ay kala dhex galaan beelaha ku diriray gobolka Bari, dagaalka dhexmara beelaha ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in ay gaabis ku keenayaan howlaha horumarinta ee ay wado Xukuumada Puntland.
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in amniga Puntland in la khal khaliyo dadaal dheer lagu bixiyay oo dad Argagaxiso ah laga soo safriyey koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo loogu talo galay in ay laayaan dadka reer Puntland, kuwaasi oo uu sheegay in ay iska daafici doonaan.
Arimaha Burcadbadeeda ayuu Madaxweynuhu soo hadal qaadey wuxuuna sheegay in ay burcadbadeedu soo kordhiyeen daraagis iyo cudur, kuna cayaareen dhaqankeenii suubanaa, isagoo intaa ku daray in deegaano badan oo ay degmad Eyl ka mid tahay laga nadiifiyay inta dhimana uu rajeynayo in dhowaan laga nadiifiyo.
Shirka wada tashiga ee loo qabanayo dhinacyada Soomaalida ayaa Madaxweynuhu sheegay in lagu qabanayo deeganada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe, isagoo baaqna u jeediyay qaban qaabiyaasha shirka oo uu sheegay in marti gelinta shirkaasi haddii ay qaadato Puntland ay saxmi doonaan wax badan isla markaana Soomaalidu isu soo dhowaan doonto.
Abaaraha koonfurta Soomaaliya mar uu ka hadlayay Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay in ay kaalmo walaaltinimo u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan koonfurta dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ma uusan soo hadal qaadin xaaladaha gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo ah gobolada qaarkood Puntland ay kala wareegtay maamulka Soomaaliland.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...