Iska horimaadka ayaa qarxay ka dib markii koox ciidamo ah oo ka tirsan Al-Shabaab uuna hogaaminayey gudoomiyihii Al-Shabaab ee degmada Caliyaale Sheekh Cali Xoosh ay isku dayeen inay xoog ku kala ceyriyaan qoys gurigooda ku dhiganayey tacsi, waxaana goobta ka qarxay rasaas u dhexeysa rag hubeysan oo guriga joogay iyo ciidankii Al-Shabaab.
Iska horimaadka oo socday qadar daqiiqado ah ayaa sababay inuu geeriyoodo gudoomiyihii Shabaab ugu xilsaarnaa Caliyaale Cali Xoosh kaasoo meydkiisa loo qaaday dhanka degmada Jowhar ee xarunta gobolka.
Haweeney deegaanka ku sugan ayaa RBC Radio u sheegtay in mid ka mid ah raggii dableyda ahaa ee dagaalka la galay Al-Shabaab uu halkaa ku dhaawacmay.
Kooxdii Shabaabka ee dagaalka la gashay dadka deegaanka ayaa markii dambe ku guuleystay inay joojiyaan xus Alle bari ahaa oo ay qoys deegaanka ah dhiganayeen, iyagoo dhowr ruux oo goobta joogayna u taxaabay saldhig ay ku leeyihiin degmada Caliyaale.
Sarkaalka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cali Xoosh ayaa dhowaan loo magacaabay gudoomiyaha degmada Caliyaale ee Al-Shabaab.
Ma jirto wax hadal ah oo saraakiisha Al-Shabaab ka yiraahdeen iska horimaadkan sababay geerida gudoomiyahooda, waxaana wararku ay sheegayaan in xiisadii ka dhalatay dhacdadan ay weli ka taagan tahay deegaanka.
Ma aha markii ugu horeysay oo Shabaab ay xoog ku joojiyaan tacsi ay dad dhiganayaan, waxayna Shabaabku hore u mamnuuceen in dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ay samaystaan wax xaflado ah sida aroosyada iyo xusaska ay dadku u dhigtaan eheladooda geeriyootay.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment