Monday 22 August 2011

Daraasiin Karfan ah oo Shacabka Muqdisho Gargaar ahaan loogu keenay (Warbixin).


somalimemo.netMa doonayo in aan Ijaafeeyo ama aan sumcad xumo u yeelo sadaqada ay labaxayaan walaalaha Muslimiinta Carbeed iyo kuwa Turkiga ah ee gargaaraya shacabkeena dhibaateysan.

Waa dhab in dad muxsiniin ah oo ku nool wadamada carabta,Turkiga iyo qaaradda Asia ay kuwa magaca Ururo samafal ah sheegta lacago ugasoo qaadaan Gargaar loo fidinayo dadka Muslimiinta Soomaaliyeed ee abaareysan.

Ilaah ha idinka aqbalo sadaqadiina ayaan leenahay dadkaasi Muslimiinta ah ee Alle dartiis wax ula baxay waxaase jira jiha wareerin lagu hayo gargaarka tirada yar ee soo gaaraya Barakacayaasha.

Howsha ugu balaaran ee wax u qabadka Dadka dhibaateysan waxaa fulisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sanadkii 2-aad dusha u ridatay bad baadinta dadka abaareysan.

DKMG ah iyo AMISOM waxay wadaan qorshayaal ay lacago uga aruursanayaan caalamka iyagoo iska dhigaya in ay kaalmeynayaan dadka abaareysan.


Maleeshiyaadka DKMG ah dilal iyo kufsi ayay ugeysteen Barakacayaashii dhankooda soo aaday, AMISOM madaafiic ayay ku leysay shacabkii soo barakacay kuwa kale oo aan Barakac aheyna way barakicisay.

Dowladaha qaar ayaa qaab siyaasadeysan ugu yaboohay lacago ay gargaar ku sheegeen balse waxaa xaqiiq ah in lacagtaasi mushaar ahaan loosiiyay AMISOM xataa maleeshiyaadka Mooryaanta ah waa loo diiday.



Arrin Ghariib ah ayaa lagu arkay magaalada Muqdisho, diyuurado la sheegay in ay u raranyihiin WFP iyo Ururo reer galbeed ah ayaa dhawaan kasoo degtay garoonka diyuuradaha magaalada Muqdisho ,warbaahinta ayaa lageliyay in ay gargaar soo gaarsiiyeen caasimadda balse xaalku sidaasi ma aheyn ee wuxuu ahaa Gargaar bug ah.

Baracayaasha badankood waxaa loo qeybiyay Jawaan Afka ka xiran markii lafurayna waxaa lagu arkay Karfan iyo digsi iyo qaando weyn oo nuuca raashinka lagu guro ah!!.

Jawaan kasta waxaa ku dhaxjiray laba Karfan oo mid tahay midda lagu duubo dadka waaweyn marka ay dhintaan midna tahay nuuca carruurta!!, aad bay Barakacayaashu ula yaabeen sababta Karfan iyo digsi maran gargaar ahaan diyuurad loosoo saaray.


Qaar katirsan Barakacayaasha ayaa banaanka ku daadiyay Karfanta waxayna ku tilmaameen Habaar iyo in dhimasho loo saadaalinayo taasi oo keentay in dadkii Abaartu niyad jebisay ay wax baaseystaan.


Dad aan badneyn ayaa iska dhaadhiciyay in Karfanta qudheedu tahay gargaar maadaama Maleeshiyaadka DKMG ah Dad ku dilaan xerada Bad baado haddii dadkaasi la aasayana ay tahay in suuqa Karfan lagasoo gado sidaasina Karfan looga maarmayo.

Shacabka Muqdisho ayaa soo xusuurtay dhagar ay wadamada Yurub u maleegeen shacabka magaalada Gazza sanadii 2009 kolkaasi oo dekadda Gazza uu kusoo xirtay markab loogu magac daray Kolonyada Xoriyadda waxaana markabkaasi saaraa Gargaar ku sheeg u badan Karfan!!.

Xigasho:AmiirNuur Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...