Monday 22 August 2011

Xoogaga Thuwarta iyagoo Takbiirsanaya Taxmiidsanaya ayay gudaha u galeen Daraabulis.


somalimemo.netKow iyo Afartan sano oo kaligiis talinimo iyo madax adeyg ah kadib xoog ayaa talada wadanka Liibiya looga qaaday Mucamar Alqadaafi madaxweynihii hore ee wadankaasi Liibiya.

Kadib dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Tariipoli ee caasimadda ah ayay xoogag mucaaradsanaa dowladda Liibiya u suuragashay in ay qabsadaan magaalada caasimada ah marka laga reebo qasriga madaxtooyada.

Inta badan magaalada caasimadda ah waxay ugacan ka gashay kooxaha kacdoonka wada kadib markii lasoo jiiray kumanaan katirsanaa ciidanka Liibiya oo hareeraha iyo bartamaha magaalada difaacaya.

Iyagoo Takbiirsanaya oo astaamo guul muujinaya ayay soo galeen waxayna dagaal qaraar ka galeen xaafadaha Taajoraa iyo garoonka diyuuradaha Maciitiqiyah.

Sedax wiil oo uu dhalay Mucamar Alqadaafi ayaa gacanta lagu dhigay waxaana kamid ah Seyful Islaam Qadaafi oo ahaa gacanta Midig iyo qadaafi, Maxamed Alqadaafi iyo wiil kale oo aan weli magaciisa la sheegin.

Liibiya ayaa marxalad cusub oo dagaal gelaysa waxaana larumeysanyahay in ay gorodda isla geli doonaan kacdoon wadayaasha Bariga iyo kuwa Galbeedka iyo Koonfur galbeed oo aan isku hadaf ka aheyn qaabka wadanka loo maamulayo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...