Monday, 8 August 2011

DOOD FURAN: Ma u Maleyneysaa in Al-Shabaab ay Xilligan Sidan ku Dhamaadee


n?

 
Share
Al-Shabaab miyey dhamaadeen?
Muqdisho (RBC) Sabtidii [06-08-2011] ayey ahayd markii uu afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu si rasmi ah u qirtay in kooxda ay baneysay fariisimihii ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
Sheekh Cali Dheere ayaa u sababeeyey bixitaankooda iyagoo go’aansaday in ay bedelaan qaabkii ay u dagaalami jireen, wuxuuna afhayeenku sheegay in dagaalkooda uu noqon doono mid jabhadeyn ah.
Wuxuuna intaa ku daray in Amisom iyo DKMG ay keensadeen ciidamo ka socda wadamada France iyo Mareykanka kuwaasoo uu sheegay in ay dagaalka ku soo biireen.
Laakiin sababaha keenay bixitaanka degdega ee Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay.
DKMG waxay sheegtay in bixitaanka ururka Al-Shabab ee Muqdisho, k dib saddex sano oo dagaal joogto ah ay muujineyso sida kooxdu ugu jabtay dagaalkii hubeysnaa ee ay kula jirtay DKMG iyo Amisom ayna rabaan inay bilaabaan weeraro gaadmo ah.
Dad kale oo ka faalooda dhaqdhaqaaqyada ururka Al-Shabaab waxay sheegeen in Al-Shabaab bixitaankeedu uu ka dambeeyey dhowr arimood oo isku xiriirsan. 
1- Khilafaad hoose oo si weyn u naafeeyey kooxda dhexdeeda, gaar ahaan raga ugu sareeya oo mudo dheer aan isku dhinac u wada socon.
2- Dhaqaale burbur weyn oo kooxda ku habsaday sanadkii u dambeeyey oo ay ugu sii darsantay abaaraha baahsan ee dalka ka dhacay oo meesha ka saaray wixii kharash ah ee Al-Shabab ka heli jireen ganacsatada iyo dadka xoolo dhaqatada ah.
3-  Xiriirkii Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo mugdi galay ka dib dilkii Fazul Cabdalla oo lagu dilay Muqdisho bishii June, iyadoo dilkaasina lagu eedeeyey rag sare oo ka tirsan Shabaabka.
4-  Dadkii oo ka hor yimid Al-Shabaab sababo la xiriira ficilada adage e ay dadka caadiga ah eek u hoos nool ku soo rogeen taasoo guud ahaan derbi weyn ku kala xirtay shacabka iyo Al-Shabaab.
Haddaba bixitaanka ciidamadii hubeysnaa iyo saraakiishooda ay ka bexeen Magaalada Muqdisho ma loo fasiri karaa inay sidaa ku dhamaadeen Al-Shabaab? Mise weli kooxdu waxay awood u leedahay inay sii wado dagaalkeeda?
Muxuu noqon karaa wajiga labaad ee dagaalka jabhadeynta ah ee y bilaabeen? Maxaase fursad ah oo ay heli karaan shacabka reer Muqdisho oo mudo sanado ah guryahooda ug maqnaa dagaalada magaalada ka socda dartood?
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...