Last Updated on Sunday, 07 August 2011 20:56Written by AdministratorSunday, 07 August 2011 20:46
War hadda kusoo dhacay warqabadka SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta ay gudaha suuqa Bakaaraha Muqdisho ku khaarijiyeen saraakiil sarsare oo DKMG ah katirsan.Ilo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in Rag hubeysan oo mujaahidiinta katirsan ay khaarijiyeen laba sarkaal oo katirsan Madaxtooyada gaar ahaan kuwa Koobfiya casta loo yaqaan.
Gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa laga maqlay Qaraxyo Bambaano iyo rasas xoogan waxaana larumaysanyahay in la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil Maleeshiyaad, waa dilkii ugu horeeyay ee qorsheysan ee lagu fuliyo saraakiisha DKMG ah marka lagasoo tago saraakiil dagaallo lagu dilay.
Xariiro aan lasameynay saraakiisha Mujaahidiinta ayay noo xaqiijiyeen jiritaanka Khabarkan waxayna noo balan qaadeen in magacyada saraakiishaasi soo sheegi doonaan.
No comments:
Post a Comment