Monday 15 August 2011

Dowladda KMG oo wada qorshe ay hab siyaasadeed iyo nin jecleysi ku wareejineyso Wakaaladii Batroolka Soomaaliyed

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG iyo shaqsiyaad ganacsato ah oo aan ka mid aheyn kuwa ka shaqeeya Howlaha Shidaalka ayaa doonaya inay hab siyaasadeed iyo nin jecleysi ku wareejineyso Wakaaladii Batroolka Soomaaliyed ee Magaalada Muqdisho.

Sida ku xusan Axdiga KMG Hantida qaranka ayaa ah lama taabtaan, iyadoo ay jiraan baahi weyn oo ka muuqayo Ganacsatada iibisa Shidaalka ayaa hadana Keydka kaliya ee Shidaalka dalka yahay mid aan xilligan jirin.

Ganacsatada iibisa shidaalka oo lagu dhex arkayo wadooyinka qaar oo xarumo lagu iibiyo shidaalka oo halis ugu jira inuu dab ka kaco, qaarkoodna aan munaasib aheyn meelaha ay ku iibinayaan ayaan heysan goob rasmiya oo keyd u ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowr jeer uu dhacay dab qasaare ka dhashay oo suuqyada Muqdisho uu ka dhacay, taasoo ah mid loo sababeynayo in aan lagu iibin xarumihii loogu tala galay oo ay ugu weyn tahay keydkii shidaalka.

Inkastoo horay u jireen shaqsiyaad doonayay inay dib u soo celiyaan howlihii Keydka shidaalka loo unkay ayaa hadana aysan jirin cid tixgelin siisay.

Keydka shidaalka ayaa ah halkii lagu keydin jiray shidaalka waxaana markiiba keyd ahaan u gali karta in ka badan 40.000 oo tan shidaal ah taa muddooyinkii ugu danbeeyay ay soo baxayeen in Dowladda KMG ay howlaha dalka ay la kaashaneysay isla markaana ku wareejineysay shirkado ajnabi ah oo ay ka mid tahay SKA oo hada gacanta ku heyso howlaha garoonka iyadoo aan wax lagala tashtay aaney jirin shirkadaha duulimaad ee dalka ka howl gala sidoo kale ay dhici karto Dekeda in sidaa oo kale lagu sameeyo oo gacanta laga bixiyo ilaha dhaqaalaha dalka.

Ganacsatada waa weyn ee shidaalka ayaa ku baaqaya in Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas in aan lagu xad-gudbin hantida qaranka, lana iibsan karin, isla markaana ay ka hortagto, si taageerada Dowladda u ballaarato, cid kasta oo Soomaaliyed loo madax banaaneeyo, halka howsheeda ku tacaluqa, si dadka Soomaaliyed aan loo tusin nin jecleysi iyo hab siyaasadeed lagu bixiyo Hantida qaranka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...