Monday 15 August 2011

Wariye Amina Musse Wehliye oo ugu dambeyn ka hadashay sababaha ay kaga tagtay Idaacada BBC-da

Wariyada caanka ah ee Amina Musse Wehliye ayaa ugu dambeyn waxay si qeexan kaga hadashay asbaabaha ugu weyn ee ay kaga tagtay Idaacada faca weyn ee BBC-da qeybteeda Afsoomaaliga ku hadasha.

Arrintaan ayaa timid kadib markii ay Wariye Amina ay inta badan taageeraasheeda ay siyaabo kala duwan u soo codsadeen in ay qeexdo sababta ay go'aankaan u qaadatay

Qoraalkaan oo ay Amina Musse Wehelie ay ku soo bandhigtay bogga ay Faceebook ku leedahay ayaa sidaan u qornaa:-

Qaar badan oo ka mid ah dhageystaaysheyda iyo tageerayaasheyda, waxeey xitaa ii soo direen taleefon, fariimo dhinaca SMSka ah, iyo qaab kasta oo la iskugula xiriiro.

Hadaba anigoo ixitiraamaya kulli tageerayaasheeyda jawaabta baadigoobaya, ayaan waxaan idiin soo qorayaa, fariintaan gaaban, oon ku soo koobi doono sababtaan uga tagay BBCda.

Waa gareysanahay in wax badan guxayaan, waa ogahay in dadku anuu badanaa daacad ka noqon waxa uu ku hadlayo, waana ka baxanahay in ay nagu badatay in aanan is waafajin badanaa waxa aan afka ka leenahay iyo waxa uurkeena fadhiya.

Wayoo soomalida waa yar tahay qof inta meel ka taga aan ka hadlin iyo mid kale oon aan la qaadqaadin, shaqaale badan ayaa BBCda horey uga tahay, walaalhey ayeey ahaayeen kuligood, dad aan isku dheer nahay dhinaca shaqadana waa ahaayeen.

Hadana xuso waxaa horteey ka tagay BBCda anigoo u soo kala qaadqaadaya sideey tagista ugu kala horeeyeen, Maxamed Khaliif Giir, Nuur Shire Cismaan, Cadulaahi Maxamed Mursal, Cabdiraxmaan Yabaroow, Maxamed Cadoow, Axmed Muuse Cabdulle, Cabdisalam Hareeri, Axmed Xasan Cowke, Xasan Bariise, Farax Lamaane, Ayaanle Xuseen Cabdi, Cadbiraxmaan Ceynte, Saciid Cali Muuse, Aden Nuux Dhuule, markeey halkaas joogtana anigaa ku soo xigey, oo ka tagay 9kii July 2011-ka, intaas oo dhan sababo kala gooni ah ayeey uga tageen.

lakiin anigana sababteeyda gaarka ah ayaan uga tagay, anigaana doorta in aanan afka la taagin sababtaan uga tagay BBCda, waayoo wax aad intiinaan xajmi u leedihiinba ma ahan, sabab weyn ayaan uga tagay BBCda, sababtaan BBC-da uga tagay aniga iska daaye, waxeey quseeyneeeysaa dhamaan dadka soomaliyeed oo colaadu ku dul socoto, waxeey quseeyneysaa dhamaan inta masuuliyad soomaliyeed ka sheegaya ama soomaliland, ama puntland ama somaliya, mideey doonta ha ahaatee, waxeey quseeysaa qof kasta oo Soomaali ka naxeysa, xaalka aan shaqada uga tagay ma ahan BBC baan u shaqeyn jiray hadana waa ka tagay, ee waa sabab murugo leh, oo tiiraanyo ku dheehan tahay, waxaan uga tagay sabab aaneey jirin wado kale in aan ka tago shaqada mooyee, ilaaheyna waa ogyahay intee shaqada igala dhaxeysayna waa ogtahay, cidaan meesha uga tagay darteedna waa ogtahay

Aniga wax kastoo igu dhacayba waa igu dhaceen, waana la igu qasbay in aan shaqadeeyda ka tago, ee ma ahan mid aan anigu u tanaagooday, lakiin waxaa la iigu qasbay si aan toos ahayn oo la ima dhihin inta la isoo dul istagay ( NAA KA TAG SHAQADA), balse waxaa la i gayeeysiiyey in la i geliyo cariiri aan nafis lahayn, waa la iga daba qaatay, si aan meesha dhan u naco, ugana cararo, waana noqotay sidii oo waa anigaas ka tagay.

Sababta kale een ula aamusannahay sababaha aan shaqada BBCda uga tagay waa: iyadoo baritaan socdo!!! wayoo waa sabab weyn oon dheeldheel gelin, by Law ama sida sharcigu qabana, haddii arin baritaan ku socdo lagama hadlo, wayoo baritaankaas ayeey wax u dhimeysaa. Marka aniguna waxba falanqeyn maayo hadda, ilaa xaalku ka gaaro meel laga hadli karo.

Waxaanse filayaa in aad intaas iiga qanci doontaan hadaad tihiin kulli inta afsoomaliga ku hadasha ee walaalheyga ah, ee i bar iyo guux garaneysa.

Idinkamana dheeri oo hadda waxaan la shaqeynayaa si PART TIME ah, Unuversal TV, ugu yaraan waan farax sanahay, waana ku faraxsanahay goaanka aan qaatay ee ah in aan ka tago shaqada BBCda in kastoo sidaan idiin sheegay aneey ahayn sababtu in aan anigu iska jeceleystay in aan iska tago, balse ay tahay shirqool gaamuray oo la ii dhigay, la iguna fuliyey.

Waxaad ogaataan mid, kol hadaad aragtaan qof shaqo uu hayey ka tagay balse weli meheradii ku jira, ogaada qofkaasi meherada ma nicin, ee wuxuu ka tagay waa meesha uu ka shaqeynayaa loo fariistay, oo uu joogi kari waayey.

Aniguna waxaan la mid ahay walaalaheeygaas aan kor ku soo xusay oo kulligood ka tagay halkaan ka soo tagay, nool oo faraxsan, lagana yaabee in eey hadda ka nolol fiican yihiin, markii hore.

Waad ku mahadsan tihiin welwelka aad ka qaadeen in aad ogaatiin sababta aan uga tagay BBCda, aniguna waa idiin han weynahay, ogaada la'aantiin waxba ma noqdeen, waxaan wax ku ahay waa dhageysigiina, idina sidoo kale ima jeclaateen haddii aanan warkeeygu wax la dhageystaba lahayn ee waad iska keey damin laheydeen.

Marka waxaanu nahay BUDO QABE IYO BIYO QABE WAA ISKU BAAHAN YIHIIN.

Ogaadase weli asaaydii baan idiin sidaa, muddo sanad ah, ASAAYDUNA waa qeyb ka mid ah waxa aan shaqada uga tagay.

Ilaah ha idin dhowro namana kala geeyo.

Noolaada walaalaheeygii soomaliyeedoow.

Amina Muuse Weheliye.

asahra2012@gmail.com

aminawehelie@yahoo.co.uk

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...