Monday 15 August 2011


Markab waday hub la tuhunsan yahay inuu ku socday Xarakada Al-Shabaab oo gacanta u galay ciidamada Maraykanka ee jooga xeebaha Somalia

Sida uu sheegay Qunsulka safaarada Soomaalida ee magaalada Cadan ee dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed ciidamada Mareykanka, ayaa gacanta ku dhigay markab nooca xamuulka qaado ah oo la sheegay inuu waday hub ku sii jeeday dalka Soomaaliya kaasoo la tuhsan yahay iney laheyd xarakada Al-Shabaab xili uu markabkaasi marayey xeebaha Soomaaliya.
Qunsulka ayaa sheegay in warkan ay ka heleen saraakiiil Maraykan ah oo ku sugan xeebaha Soomaalia, isagoo tilmaamay in markabkaasi uu ka baxay dekedo macmal ah oo ku yaala xeebaha dalka Yemen uuna ku sii jeeday dhinaca dekedo ku yaala koonfurta Soomaalia oo ay maamulaan ciidamada Al-Shabaab, iyadoo qunsulku uusan sheegin noocyada hubka saarnaa markabkaasi gacanta lagu dhigay.
 
Markabkaas hubka waday kabtanka hogaanka u hayey wuxuu iska dhega tiray rasaas loogu baaqayey inuu joojiyo, ka hor intii aaney gacanta ku dhigin ciidamada Maraykanka waxayna ka heleen markii ay xoog ku fuuleen dushiisa baareena xamuulka uu waday hub fara badan baaritaankiina waa socdaa weli” ayuu intaa ku daray Qunsulka safaarada Soomaalida ee magaalada Cadan ee dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed. 

Qunsulka safaaradda Soomaalida ee Yemen ayaa sheegay in markabkan looga shakisan yahay in hubka uu u siday ciidamada Al-Shabaab ee ka dagaalamaya koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xusay in taasi ay cadeyn ui tahay in Al-Qaacidada Yemen ay taageero milateri siiso ciidamada Al-shabaab. 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...