Sunday 21 August 2011

Taliyaha Saldhiga ciidanka degmada Ceerigaabo oo madaxa laga toogtay & rabshado ka dhacay magaaladaasi


Share
Ceerigaabo (RBC Radio):- Taliyihii saldhiga ciidanka degmada Ceerigaabo Jaamac Garma-qaate ayaa madaxa laga toogtay isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqada ee gudaha saldhiga Ceerigaabo.
Dilka Taliyaha geeriyooday ayaa waxaa geystay mid ka mid ah askarta ka howlgasha saldhiga ciidanka degmada Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag, waxaana askariga geystay dilka Taliyaha uu durbadiiba ka baxsaday halka uu dilka ka geystay.
Magaalada Ceeri-gaabo ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo iyo rabshado is wata kadib dilkii Taliye Jaamac Garma-qaate, waxaana jira dhaawacyo shacabka ka soo gaaray rabshadaha ka soconaya degmada Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag.
Ma jirto ilaa iyo iminka cid ka tirsan maamulka Soomaaliland oo ka hadashay dilka Taliyihii uga wakiilka ahaa degmada Ceeri-gaabo, waxayna arintani ku soo beegmaysaa xilli magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay sidaasi oo kale ka dhacaan dilalka bareerka ah ee loo geystay Taliyaasha ciidamada Soomaaliland ee halkaasi ku sugan.
Cawil Maxamuud Cabdi
Cawil@raxanreeb.com
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...