Sunday, 7 August 2011

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada galabta iyo Xaalada caawa (Sawirro cusub dagaaladii maanta)

Inta la og yahay toban ruux oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalo si goos goos ah maanta ilaa maqribnimadii xilliga afurka uga dhacayay Jidka dheer ee Warshadaha, halkaasoo ay isku fidiyeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, kadib markii sabtidii ay baneeyeen Al-Shabaab dhulkii ay ka heysteen Magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada oo gelinkii hore ahaa mid goos goos ah ayaa galabta xoogeystay, markii Al-Shabaab weeraro culus ku soo qaadeen, meelaha dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, Miisaanka Dhuxusha, xaafada Towfiiq.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saf ballaaran ku socday ay isku fidinayeen Jidka dheer ee Warshadaha, iyadoo iska hor imaad xoogan ay kala hor-yimaadeen Xarakada Al-Shabaab.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay ka hor-tageen isku dayo Shabaab ay wadeen inay ku hos-joogsadaan goobaha ay isku ballaarinayeen, iyagoo tilmaamay in qasaare ay gaarsiiyeen, sidoo kale Saraakiisha ayaa tibaaxay inay ka war heleen qorshayaal ay Shabaab xeelado dagaal ugu dajiyeen marka Ciidamada Dowladda soo galaan aagaga hore.

Caawa xaalada waa degan tahay, inkastoo rasaas la maqlayo, waxayna Ciidamada Dowladda ay yihiin kuwo si tartiib tartiib isku fidinaya goobaha ay ka baxeen Shabaab.

Abaarihii Afurkii kadib ayaa Ciidamada Brundi oo ka soo baxay wasaaradii Gaashaandhiga ay soo gaareen halka lagu magacaabo Iveco, halkaasoo marta wado jay ah oo Shabaab ay dhowaan sameeyeen, taasoo si toos u gasha degmada Dayniile, wadadaas ayaa istiraatiiji u tahay isku xirka Suuqa Bakaaraha iyo degmada Dayniile.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa galay qeybo ka mid ah degmada Dayniile, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo wada jir ah ayaa isku fidinaya jidka Warshadaha, waxaa kaloo ay ku sugan yihiin Xaruntii Machadka Simad iyo agagaarka Warshadii Biyaha Caafi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay doonayaan in maalinta berri u jiheystaan Carafaat. Warshadii Cocacola, Qabuurihii Barakataad iyo Warshada Baastada, waxaana qorshaha degsan uu yahay in lagu dhowaado Suuqa Xoolaha oo la rumeysan yahay inay tahay halka Shabaab ay ukumo dhigteen.

Daawo Sawiradii u dambeeyay ee maanta iyo dagaaladii ka dhacay Wadada warshadaha













No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...